Wakhtiyadaan dambe waxaa aad usoo badanaayo cunsuriyadda ka jirto wadamada reer Galbeedka. Adigoo qof madoow ah, hadana Muslim ah wey adagtahay inaad sidda aad doonto ugu noolaato qaaradda Yurub. Masaajidaha waxaa la yiri lama aaddaami karo, guryaha Muslimiinta waxaa la yiri dumarka ayaa ka taliyo, caruurtii oo iyaguna dhibaatooyin kalla kulmo xagga iskuuladda iyagoo si dad-ban wax loogu sheego, waxaana laga dhaadhiciyaa inay ka yimaadeen wadan Soomaaliya la yiraahdo oo ay ka jiraan Gaajo, dagaalo, caddaalad daro iwm.
Dhibaatooyinka ugu badan waxay soo wajahaan gabdhaha Muslimiinta ah. Sidda aan ka wada warqabno maxkamadda ugu sareyso ee qaaradda Yurub waxay soo go’aamisay inay shirkadaha iyo haayadaha xor u yihiin in gabdhaha xijaabka ka dhigi karaan. Waligeed kama dhicin Yurub dhibaatooyinka noocaan oo kale. Weyna sii kordhaysaa marba marka ka dambeyso.
Yurub waxaa ka jiray dhaqamo cunsuriyadda oo soo jireen ah, balse waxay ka gaareen guul la taabani karo wakhtiyaddii dambe oo ay horumarka ku tilaabsatay qaarada Yurub. Balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa soo celiyay dhaqamada noocaan oo kale?
Su’aalahaan iyo su’aallo kale oo badan ayaa waxaa isweydiiyay qabiiro aqqoon fiican u leh arrimaha bulshada, siyaasadda iyo isbedelka horumarka.
Yurub waxay horumaro badan oo la taabani karo ka gaartay arrimaha simnaanta iyo xasiloonidda. Laakiin nasiib daro wakhtiyaddii dambe waxaa hoos u dhac ku yimaaday arrimaha amniga iyo waxaa kaloo kor u kacay cunsuriyadda. Meel walbo oo caalamka ka mid ah maanta wey ka jirtaa cunsuriyada, xittaa wadamada Muslimiinta. Wadamada Muslimiinta inta badan waxaa kanool kuwa wadanka u dhashay oo kali, tusaale ahaan Soomaaliya waxaa kunool Soomaali oo kali marka loo fiiriyo nolosha dhabta ah. Soomaaliya lama mid ahan wadamada sidda Yurub oo kale oo ay kunool yihiin qoomiyado kala duwan.
Inkastoo, wadanka ay kunool yihiin Soomaali oo kali hadana waxaad u jeedaa inay ka jirto cunsuriyadda nooceeda ugu xun. Kawaran qof kulla dhashay oo kula af ah, kula diin ah, kula dhaqan ah, iyo waliba isku midab tihiin haddii aad cunsuriyeyso? Waa dhaqan xumo runtii inaad qof bini’aadam adigoo kale dhibaatayso oo aad cunsuriyayso.
Dhibaatooyinka cunsuriyadda ee ka jirta qaaradda Yurub ayaa ah mid xawli ku socda, xittaa madaxda qaaradda Yurub oo doonayso inay kursi u tartamaan ayaa ah kuwa inta badan Islaamka meel ka dhac u gaysto si ay u helaan kursiga ay doonayaan.
Waa maxay sawabta dhibaatooyinkaan ay usii kordhayso?
Markii Chrotospher Colombos helay qaaradda Ameerika sanadkii 1492, ayay dad badan oo cadankii Yurub ahi ka tahriibeen Qaaradda Gabowday ee Yurub iyagoo doonyo u raaci jiray xeebaha Ameerika. Dadkan ayaa si dhib badan kaga talaabi jiray bad weynta Atlantiga.
Inta badan dadka Cadaanka ah ayaa ka baxsanaayay dagaalo , gaajo iyo dhibaatooyin kale oo qaaradda gabawday ku habsaday. Waxay rabeen inay heleen dhul ay ku negaadaan oo nabad iyo amaan ah.
Markii ay dadka cadaanka ahi ku soo bateen Maraykanka waxa buuxsamay magaalooyinka , waxa batay shaqo la’aanta, saboolnimadiina cirka ayay martay. Dadkaan qaxootiga ku yimid ayaa gumaaday oo cirib tiray dadkii asal ahaan halkaasi degenaa.
Sebenkaasi gaajada jirtay awgeed waxa la cuni jiray wax kasta oo ay ka mid yihiin xataa hilibka dadka. Dadka cad ee Maraykanka ayaa ka dibna dhulkii ay haysteen maahee in ka badan oo kale ku darsaday iyago dadkii degaana kaga eryay dagaal iyo xoog, waxayna sidaasi u samaynayeen iyagoo u arkayay dhulka ay qabsanyaan inuu barwaaqo iyo nolol leeyaha kuna jiraan macadano kala duwan.
Sanadkii 1846 – 1848 ayaa Mareykaynku qabsaday gobolada galbeed iyo koonfurta ee maanta ka tirsan dhulweynaha Mareykanka, waxaana laga qabsaday dalka Mekisko. Taasi ayaa ka dhigtay in Mekisko dhulkeeda kala bar uu qaatay Maraykanku, halka ay Maraykanka ay ka tahay 1/3 dalka Maraykanka.
Dagaalkan waxa Mekisko ku weyday gobolada Texas, New Mekisko, Colarado, Arisona, Califorina, Nevada, oo dhamaantood maanta ka tirsan Maraykanka. Kacdoonada Cunsuriyadda ee Yurub maanta ka socada ayay dadka qaarkood ku salaynayaan cabsi ay ka qabaan Qaxootiga ku soo badanaya inay kala wareegaan dhulkooda siddii ay iyaguba ulla wareegeen dhul aanay asal ahaan lahayn.
Waxaad moodaa in wakhtiyadaan dambe dunidda ay kusii socoto dib u dhac “declaration”. Dib u dhacaasi wuxuu ka yimaaday qiyaanadda madaxda reer galbeedka ay ku haayaan bulshadooda. Maxaa yeelay marka aad si hoose u fiiriso siyaasadda reer galbeedka waxay marwalbo hoos kasii wadaan siddii ay burbur hor leh ugu sii gaysani lahayeen wadamada Muslimiinta, balse shacabka reer galbeedka waxaa laga dhaadhiciyaa haddii aysan dowladooda sameynin wax farogelin shisheeye ah inaysan iyaga badbaadi Karin.
Tusaalaha ugu fiican wuxuu ahaa George W. Bush iyo Tony Blair oo si gardaro ah ku weeraray Ciraah iyagoo marsiiso ka dhiganaayo in Sadaam Xusseen haysto hubka wax lagu gumaado ee kiimakada. Balse markii dowladdii Ciraah la burburiyay ayaa waxaa la ogaaday waxay sheegayeen innuu ahaa been, waxaana fashilantay sirtooda iyo beenta ay u sheegayeen dadka reer galbeedka.
Balse ma jirto maxkad caalami ah oo arrintaasi wax ka qabanayso. Sawabtoo ah maxkadda caalamiga ah waxay xaragoodda qabataa madaxda Afrikaanka oo kali. Madaxda Afrikaanka ah marka ay galaan qalad waxaa la yiraahdaa isa soo xer balse iyaga ma qabato maxkamadaas. Waxaana la isdhihi karaa madaxda Afrikaanka waxay dhibaatada ugu timaaday xagga caawinta badan. Maxaa yeelay dowladahaan reer galbeedka waxay sanad walbo caawimaad siiyaan dowlado badan oo Afrikaan ah, arrintaas ayaa keento inay u hoggaansamaan ra’ayga kasoo yeero garsoorayaasha reer galbeedka ay leeyihiin ee u fadhiyo maxkamaddaan caalamiga ah.
Sidaas awgeed waxaan wada aragnaa dumar badan oo ka calaacalaayo cunsuriyadaha ay la kulmaan, waxaana loo baahanyahay inaad wax badan ka ogtahay halka aad ku nooshahay iyo waliba sidda aad noloshaada ugu bareerayso waxwalbo. Ka fiirsashada iyo dhisidda heykalka noloshaada qofka kali ee ka masuulka ah waa adiga ee ma ahan cidkale. Weyna kugu adkaani kartaa ku dhaqanka diintaada adigoo ku sugan xadaarad noocaan oo kale ah, balse hadana inaad dadaasho waa lama huraan.