Xulka qaranka kubadda cagta Sweden oo uso baxay ciyaaraha aduunka ee 2018.

0
427

Kooxda xulka qaranka kubada cagta dalka Sweden ayaa xalay u gudubtay koobka aduunka ee sanadka dambe lagu ciyaari doono dalka Ruushka. Sweden ayaa xalay bar-bardhac gool la´aan la gashay xulka qaranka dalka Talyaaniga, balse waxey guushu raacday Sweden oo kulankii hore ku badisay 1-0.

Sweden ayaa xaley koobka aduunka ka reebtay xulka qaranka Talyaaniga oo markii ugu horeysay mudo 60 sano ku dhawaad ah aan sanadka soo socdo ka qeybgali doonin koobka aduunka ee ka dhici doono dalka Ruushka.

Laacibiinta Sweden ayaa sidoo kale xalay garoonka oohin kaga saaray halyeyga kooxda Juventus iyo xulka dalka Talyaaniga, Gianluigi Buffon oo sanadkan rabay inuu waayihiisa ciyaareed kusoo xiro koobka aduunka ee Ruushka ka dhici doono. Buffon ayaa ciyaarta kadib sheegay inuu isaga fariistay xulka qaranka Italy, waxaana la arkayay isaga oo xalay oohin uga baxayo garoonka ay ciyaartu ka dhacday.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments