Magaaladda Muqdisho waxaa maalmahan ku sugnaa Khubaro arimaha hubinta dukumentiyada iyo basaboorada u qaabilsan wadankan Norwey, kuwaas oo la sheegay inay rabeen inay arkaan qaabka Soomaaliya u bixiso baasaboorada.
Imaanshaha wafdigan ayaa ka dambeysay kadib safar uu madaxa hey´ada jinsiydaha iyo socdaalka Soomaaliya, Maxame A Koofi uu bilo kahor ku yimid wadankan Norway, isaga oo la kulmay madax katirsan hey´ada UDI-da dalkan Norway.
Waxaana ay Soomaaliya ku dadaaleysaa sidii ay wadamada galbeedka uga dhaadhicin laheyd inay kalsooni buuxdo ku qabaan waraaqaha ay bixiso dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Wafdiga Norway ka socday oo ay wehlinayeen masuulyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee booliiska ( C I D ) si ay u arkaan habka loo baaro qofka Soomaliga ee raba in uu qaato Basaboorka Soomaaliga, waxayna xarunta C I D kula kulmeen taliyaha laanta Danbi baarista booliiska Saciid Cali Kadiye.
Sido kale khubarada ayaa waxaa la geeyay xarunta Dad dhigista ee Gobolka Banaadir waxaana la soo tusay hab-ka loo maro qaadashada Dhalashada iyo Sugnaanta.Ugu dambeyna waxaa wafdigan la geeyay xarunta dhexe ee bixinta Baasaboorka Muqdisho waxayna mid mid u tageen xafiisyada Hay’adda si ay u arkaan habka bixinta Baasaboorka.
Xigasho/kilde: Wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences. By clicking “Accept”, you consent to the use of the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.