Khadra H Abdi: Qaladkeena aan saxno, xuquuqdeenana yaanan dayicin.

0
124
Soomaalida Norwey

Sidaan ogsoonahay qurbo joogta soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway, waxey dalkan kala kulmeen xaalado adag iyo isbadalo joogto ah. Anaga aanan wali xal u helin dhibaato horey u jirtay, walina aan isaga imaan, ayaa waxaa hadba soo dhaco kuwo cusub oo kuwii hore ka adag.

Arintan taagan ee hada na haysata, waxa ay dab kusii shidaysaa mushkiladihii hore ee nahaystay oo ugu waynayd dib ucelinta. Sidee lagaaga dhagaystaa amni mahaysto, caruurtaan lasoo qaxayna dalkaygaan kuceliyay?

Caano daatay dabadooda laqabtaa, soomaalida ayaa ku kumaah maahda. Arintan cusub ee dhawaan soo baxday, qofkasta ayay saamaynaysaa, waxaana fiican inaan si deg-deg ah isaga imaano, si aan u helno waji mid ah iyo xal mideysan. Ururada soomaalida, masaajida iyo dhamaan qeybaha kale ee bulshada, waxaa ila quman inaan arintan cadeyno wixii qalad ah, aana muujino inay khuseyso shaqsiyaadka caruurtooda celiyay ee ku xadgudbay, aana loo saarin soomaalida oo dhan.

Mida kale waxaa soo jeedin lahaa in anaga soomaali ahaan aan si hoose iskula hadalno. , qofkasta oo naga mid ah wuxuu rajaynayaa ubadka uu soo saarayo inay dhaqan iyo diinba dhisnaadaan, ogaadaana inay wadan leeyihiin. Balse isma waydiino sysytemkee umarnaa makii aan kusoo korey mise midka maanta uu ku noolyahay ilmaheyga.

Manala saxantahay inaan awlaadii dalka kucelino labadii dhashayna ay Norway joogaan? 

Dhaqan celinta caruurta waxay ubaahantahay juhdi faro badan, oo ay ugu horeyso inaad adinka labadiina waalidka ah iska bilawdaan. Lana timaadaan diyaar garow baaxad leh sida is aaminid iyo waajib gudasho run ah. Sidoo kale waxaa waajib ah in caruurta lala tashto,  iyada oo runta loo sheegayo iyo inaad nolal udiyaarisaan ay aqbali karaan waliba xiisa galinayso.

Hadii aad intaas awood ulahayna caruurtiina haysta ama isla guura, midba yuu harin.

Waxaa xaqiiqo ah in soomaalida Norway xaqiiq aysan wadankan sumcad fiican ku heysan, waliba hada wixii xuquuq qoxooti lahaa ayaan gacanteena ku burburineysaa, iskamana war heyno. Hala is xisaabiyo intay talo faraha kabin

W.Q.  Khadra Hared Abdi


Wixii fikir, talo, faalo, aragti ama khibrad ah, waxaad noogu soo gudbin kartaa: NorSomNews@gmail.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments