UDI: ku dhawaad 80% soomaalida codsatay dhalashada Norway, wey helaan.

0
183

Hey´ada laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dalkan Norway oo khamiistii lasoo dhaafay kulan la qaadatay soomaalida ayaa sheegtay in ku dhawaad 80% soomaalida codsato sharciga dhalashada Norway ay helaan passportka Norway. Sanadkan oo kali ah ayay sheegeen in dad kor u dhaafayo 1000 qof oo soomaali ah ay soo codsadeen dhalashada Norway, isla markaana 8 kamid ah tobankii qofba ay helaan sharciga dhalashada.

UDI-da ayaa sheegtay in soomaalidu ay kamid yihiin dadka ugu badan ee qaata dhalashada Norway, isla markaana shantii sano ee ugu danbeysay ay dad kor u dhaafayo 7000 oo soomaali ah ay qaateen dhalashada Norway. 10-kun oo soomaali ahna ay heleen sharciyada degenaanshaha rasmiga ah shantii ee ugu danbeysay.

UDI-da ayaa sheegtay in waqtiga jawaab sugista soomaalida codsato dhalashada Norway uu isku cel-celis hada yahay sanad iyo sideed bilood, waxaana arintaas u sabab ah inay baaritaan dheer oo xaqiijinta aqoonsiga shaqsiga ah ay ku sameeyaan qofka, kahor inta aysan jawaabta siinin. Waxeyna cadeeyeen in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay soo baxday in dad asal ahaan kasoo jeedo wadamada dariska la ah Soomaaliya ay sheegteen inay Soomaaliya kasoo jeedaan, taasna ay keentay in waqti dheeri ah lagu bixiyo xaqiijinta aqoonsiga shaqsiga soomaaliga ah ee qaadanayo dhalashada Norway.

Mararka qaarkood waxey qirteen in qofka loogu yeero intervju si looga xaqiijo waxyaabaha qaar ama su´aalo looga weydiiyo aqoonsigiisa shaqsiyeed, ama uu sharaxaad uga bixiyo macluumaad ay markaas qofka ku hayaan. Dadka qaar ayay sheegeen in sidoo kale loo diro waraaqo looga codsanayo inay soo cadeeyaaan aqoonsigooda ama xiriirka sheekada noloshooda.

180 aan kala noqonay iyo 500 oo baaritaan uu ku socdo:

Shaqaalaha UDI-da ee khamiistii kasoo qeybgalay kulankii soomaalida ayaa sidoo kale sheegay in shantii sano ee ugu danbeysay ay sharciga dhalashada Norway kala noqdeen isku dar 180 qof, kuwaas oo isugu jiro jinsiyado kala duwan, soomaaliduna ay kamid tahay. waxeyna raaciyeen  inay sidoo kale jiraan ku dhawaad 500 oo qof, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan kiisaskooda ku saabsan dib ugala noqoshada sharciga dhalashada Norway.

Maxkamad ayaa nagala wareegtay:

UDI-da ayaa sheegtay in baarlamaanka Norway uu ansixiyay in maxkamad oo kali ah ay qofka ka qaadi karto dhalashada Norway, sidaas darteed wixii hada ka danbeeyo kiisaska kala noqoshada dhalashada laga wareejiyay hey´ada jinsiyadaha. Ilaa amar danbe oo dowlada kasoo baxayana aysan gaari karin go´aan kale oo ku saabsan sharci dib ugala noqosho dhalasho.

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments