Sida ku xusan wareegto qoraal ah oo ay UDI-du u dirtay laamaha booliska dalkan Norway(hoos ka akhri qoraalkaas), ayay mar kale ku sheegtay inay usoo gudbiyaan kiisaska dadka Soomaaliyaa iyo Srilanka kasoo jeedo ee raba inay codsadaan degenaanshaha rasmiga ah, isla markaana magangalyo kumeel gaarka helay wixii ka horeeyay bishii October ee sanadkii 2014.
Wareegtadan oo soo baxday maalintii shaley aheyd ee isniinta ayay kaga hortimid war horaan usoo baxay, kaas oo ku aadan in boolisku ay cusbooneysiin karaan waraaqaha safarka iyo magangalyada kumeel gaarka ah ee dadka jawaab sugayaasha ah.: UDI-da ayaa qoraalkeedan ku sheegtay in boolisku aysan cosbooneysiin karin waraaqaha safarka(reisebevis) iyo magangalyada kumeel gaarka ah ee dadka codsaday degenaanshaha isla markaana aan wali jawaab ka celin codsgiooda.
