SV oo noqday xisbiga uu kor u kaca ugu weyn ku yimid doorashada iskuulada.

0
1087
Foto: Marius Nyheim Kristoffersen
Foto: Marius Nyheim Kristoffersen

Xisbiga SV oo kamid ah xisbiyada garabka bidix ee siyaasada dalkan Norway ayaa noqday xisbiga uu kor kaca ugu weyn ku yimid doorashada iskuulada, taas oo ah saadaal fiican ka bixin karto qaabka ay kusoo dhamaan doonto doorashada baarlamaanka isbuuc kadib.

SV ayaa doorashadii iskuulada ee sanadkii 2015 helay 7,5%, halka doorashada ardeyda sanadkana ay heleen 10%, waxaana ku yimid kor u kac dha 2,5%.

Xisbiga shaqaalaha ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac yar, balse waxey noqdeen xisbiga ugu weyn ee helay codadka ugu badan ee doorashada ardeyda, iyaga oo helay 27.8% codadka ardeyda iskuulada.

Høyre iyo xulafadiisa dhanka midigta ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac weyn, iyada oo Høyre ay lumiyeen wax badan 1% ardeydii u codeysay sanadkii 2015.

Xigasho/kilde: BT.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments