Xaqiijin: UDI-da oo khamiista(bari ah) la kulmi doonto soomaalida Norway

0
152

Sida uu NorSom News u xaqiijiyay Håkon Fenstad oo ah ku xigeenka  agaasimaha dhanka xiriirka ee UDI-da, hey´ada socdaalka iyo jinsiyadaha dalkan Norway ee UDI-da ayaa maalinta bari ah ee khamiista kulan la qaadan doonto jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

UDI-da ayaa sheegtay in su´aalo badan laga weydiiyay qaabka ay uga shaqeeyaan kiisaska khuseeyo soomaalida, sidaas darteedna ay soo qaban-qaabiyeen kulan guud oo ay warbixino ku siinayaan soomaalida. Waxeyna sheegeen inay ka hadli doonaan arimaha la xiriira dib ugala noqoshada sharciyada, dib u qiimeynta, qoysaska isku dacwoonaya iyo waliba waraaqaha safarka(Reisedokumenter).

Kulankan ayaa ka dhici doono xarunta dhexe Røde-kurska ee magaalada Oslo, wuxuuna bilaaban doonaa saacada 17:00. Addreska goobta kulankaas lagu qaban doono waa Hausmansgata 7.

Håkon ayaa NorSom News u sheegay in kulankaas uu yahay mid furan oo dhamaan dadku ay kasoo qeybgali karaan. Wuxuuna sheegay in kulankaas uu yahay mid guud oo aan looga hadli doonin kiisaska gaarka ah ee shaqsiyada, balse ay macluumaad guud uun bixin doonaan.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments