Stjørdal: Nin Soomaali ah oo heysta dhalashada Sweden oo lagu qabtay 900 Gram oo daroogo

0
247
Foto: Politiet Sawir hore

Sida ay soo tabinayaan warbaahinta lokalka ah ee deegaanka Stjørdal, booliska deegaankaas ayaa boorso uu watay nin soomaali ah oo heysto dhalashada Sweden kadhex helay daroogo nooca Haashka loo yaqaan ah, taas oo dhan 900 gram!.

Ninkan soomaali Swedishka ah oo da´diisa ay boolisku ku sheegeen sodomeeyo jir ayaa markii danbe qirtay inuu isagu watay daroogada, waxaana ay boolisku dhigeen xabsiga. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu ahaa qof ay horey u yaqaaneen, isla markaaba horey ay maxkamad ugu xukuntay danbi daroogo la xiriira.

Annar Sparby oo ah madaxa baarista danbiyada booliska ee Stjørdal ayaa sheegtay in ninkan lagu xukumay 5 bilood oo xabsi shuruud la´aan ah. Kadib markii lagu eedeeyay danbi ah in daroogo lagu qabtay, isaguna uu qirtay danbiga.

Xigasho/kilde: Bladet.no, T-A.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments