lørdag, april 27, 2024

Deg-deg: KRF oo isaga baxay wadahadalada ay la lahaayeen xisbiyada Høyre iyo FRP.

Waxaa maanta kulan afar saac qaatay uu dhexmaray xisbiyada midigta ee afarta ah, kuwaas oo ka wada hadlayay suurtogalnimada inay dowlada cusub wada dhistaan.

Xisbiga KRF ayaa gabi ahaanba isaga baxay kulamada ay xisbiyadu lahaayeen, iyaga oo sheegay ineysan sinaba suurtogal u aheyn inay dowlad la dhistaan ama ay la shaqeeyaan Frp.  Ayna sidoo kale ku guuldareysteen inay helaan dowlad ka kooban KRF, VENSTRE iyo Høyre.

Xisbiga Venstre ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay wadahadalka lasii wadi doonaan Høyre iyo Frp, ayna fiirin doonaan qaabka ay wax ku dhamaadaan. Venstre ayaa laftirkooda uu shaki weyn kujiraa qaabka ay ula shaqeyn doonaan Frp oo ah xisbi midigta fog ah.

Maxey ka dhigantahay ka bixida KRF: 

Inkasta oo KRF ay isaga baxeen wadahadalada, hadana waxaa wali sii shaqeyn doonto xukuumada Erna Solberg, ilaa laga keeno mooshin ama ay ku guuldareysato ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2018-ka.

Erna Solberg waxey hada ku qasbantahay in mar walba iyo kiis walba ay u taageero uga raadsato baarlamaanka, waxaana ay aad u wiiqmayo awooda dowladeeda iyo fulinta go´aanada ay rabto.

KRF ayaa sheegay inay Solberg kala wada hadli doonaan miisaaniyada sanadka soo socdo, hadii ay Erna ku qancin weydo KRF miisaaniyada sanadka soo socdo, waxey u badantahay inay dhacdo.

 

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x