Farmaajo oo hambalyo u diray Angela Merkel oo ku guuleysatay doorashada Germany

0
123

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray hogaamiyaha dalka Germany oo markii afaraad oo xiriir ah ku guuleysatay doorashada madaxtinimo ee dalka Germany.

Farmaajo oo qoraal soo dhigay bogiisa rasmiga ah ee Twitterka ayaa Merkel ugu hambalyeeyay, isaga oo raaciyay inuu rajeynayo in xiriirka Germany iyo Soomaaliya uu sii xoogsado.

Xisbiga Merkel ayaa helay codadka ugu badan ee doorashada, inkasta oo uu xisbigeeda ku yimid dib u dhac weyn oo muuqdo. Waxeyna u baahantahay inay sameysato isbaheysi iyo xisbiyo taageero, si ay xukunka usii heysato.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments