Hamar: Wiil soomaali ah oo iska fogeeyay dacwad isku day dil ah oo lagu eedeeyay.

0
142
Boolis baaritaan ku haya, meesha gabadha lagu weeraray Foto: (Torbjørn Olsen)

Waxaa maalinta bari ah maxkamada magaalada Hamar ka bilaaban doonto dhageysiga dacwada wiil soomaali ah, kaas oo ku eedeysan fal isku day dil ah oo uu u geystay gabar iyadna soomaali ah.

Bjørn Philipson oo ah qareenka wiilkan soomaaliga ayaa saxaafada u sheegay in wiilkan uu diidi doono inuu aqbalo falkaas lagu soo eedeeyay, marka ay bari  maxkamada ka furanto dhageysiga dacwadiisa.

Wiilkan soomaaliga ah ayaa mindi ku weeraray gabadha soomaalida ah, wuxuuna gaarsiiyay dhaawacyo waaweyn, iyada oo baaritaan kadib ay boolisku sheegeen in falkaas uu ahaa mid isku dal dil ah oo qorsheysan. Waxeyna cadeeyeen in mindida falkaas lagu geystay uu magaalada Moelv kasoo gatay isla maalinta uu falka dhacay.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa wada dhageysan doonto sharaxaada wiilka ee qaabka ay wax u dhaceen iyo tan gabadha dhibka loo geystay oo aad u kala duwan.

Magdhow 300.000 NOK:

Inger Johanne Reiestad oo ah qareenka dowlada ee matalaya gabadha uu dhibka soo gaaray ayaa wargeyska HA ee magaalada Hamar u sheegtay inay eedeysanaha laga dalban doono magdhow lacageed oo dhan 300.000 NOK.

8 ilaa 21 sano:

Dhageysiga dacwada wiilkan soomaaliga ah ayaa socon doonto mudo sadex maalin ah oo ka bilaaban doonto berri oo arbaco ah. Hadii ay maxkamadu ku hesho danbiga isku deyga dilka ah ee lagu soo eedeeyay, wuxuu muteysan karaa ciqaab xabsiyeed oo u dhaxeyso 8 ilaa 21 sano, taas oo ah xeerka ciqaabta danbiga isku deyga dilka ah.

Wiilkan soomaaliga ah ayaa xabsiga ku xirnaa tan iyo markii uu geystay falkaas, kadibna uu booliska isku soo dhiibay. Waxeyna mar walba boolisku u cosbooneysiinayeen mudada xabsiga, iyaga oo sheegay inay ka cabsi qabeen inuu wadanka ka baxsado, hadii xabsiga laga sii daayo.

Xigasho/kilde: HA, NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments