Wasaarada dastuurka: Booliska iyo UDI-da wey cusbooneysiin karaan waraaqaha safarka ee dadka jawaab sugayaasha ah

0
240
(Illustrasjonsfoto: Werner Anderson)

Sida uu qorayo wargeyska Vårtland, Wasaarada arimaha dastuurka dalkan Norway ayaa hey´ada socdaalka iyo jinsiyadaha(UDI-da) iyo booliska u ogolaatay inay cusbooneysiin karaan waraaqaha safarka(passportka qoxootiga) iyo magangalyada kumeel gaarka ah(midlertig oppholdstillatelse) ee dadka jawaabta ka sugaya degenaanshaha. Waxeyna arintaas timid xili ay waqti dheer qaadatay go´aan ka gaarista UDI-da ee kiisaska dadka ay sheegeen inay dib u qiimeyn ku sameyn doonaan magangalyadooda.

Isla wasaaradan ayaa sanad iyo bar kahor UDI-da iyo booliska ku amartay ineysan cusbooneysiin karin magangalyada kumeel gaarka ah ama passportka dadka jawaabta ka sugaya codsiga degenaanshaha rasmiga ah.

Arintan ayaa imaaneyso xili ay wasaarada arimaha dastuurku ay UDI-da ku amartay inay dar-dar galiyaan go´aan ka gaarista kiisaska dadka dib u qiimeynta lagu sameynayo magangalyadooda. Ayna soo hormariyaan kiisaska dadka ay u badantahay ineysan heli doonin magangalyo.

Xigasho/kilde: Vårtland.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments