Vårt Land: Listhaug oo UDI-da amar ku siisay inay xooga saaraan kiisaska soomaalida magangalyadooda dib loo qiimeynayo

0
133

Sanad iyo bar kahor ayey aheyd markii wasaarada arimaha dastuurka dalkan Norway ay ku amartay hey´ada socdaalka iyo jinsiyadaha inay dib u qiimeyn ku sameeyaan magangalyada 1600 qof oo soomaali ah, kuwaas oo dalkan Norway qoxootinimo kusoo galay wixii ka horeeyay bishii October ee sanadkii 2014.

UDI-da ayaa ilaa hada magangalyada si rasmi ah ugala noqotay labo qof, halka 120 qof loo diray digniin sharci kala noqosho. Iyada oo dhanka kalena ay 80 qof heleen degenaansho rasmi ah, kadib markii ay kasoo jawaabeen waraaqihii digniinta(xigasho: Vårtland).

[adsenseyu2]

Sida uu qorayo wargeyska Vårtland, wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway ayaa UDI-da amar ku siisay inay xooga saaraan, isla markaana ay dar-dar galiyaan kiisaska dadka ay dib u qiimeyna ku sameynayaan magangalyadooda. Waxeyna ku eedeysan gacan ku culeys ku saabsan go´aan ka gaarista kiisaskaas.

UDI-da oo dhankooda ka jawaabaya amarka Listhaug ayaa sheegay in waqti dheer ay qaadaneyso, qarashna badana uu ku baxayo inta go´aan rasmi ah laga gaarayo in qofka degenaansho la siinayo iyo inkale. Waxeyna sheegeen in UDI-du ay xooga saarto in dhinacyo badan laga fiiriyo kiiska qofka, kahor inta aan go´aan rasmi ah laga gaarin. Waxeyna qirteen in xaalado culus ay soo wajahaan qofka kiiskiisa ay qaadato mudo dheer, maadaama uu shaki ka galayo dhinacyada kale ee noloshiisa Norway, sida shaqada, safarka, waxbarashada iyo xarumana xanaanada ee caruurta loo qabto.

UDI-da oo sharaxaad ka bixinayo sababta ay waqti dheer u qaadato go´aan ka gaarista kiisaska ayaa sheegay in marka hore ay qofka u diraan digniin, ayna ka dalbadaan inuu kasoo jawaabo, kahor inta aan go´aan laga gaarin kiiskiisa. Waxeyna sheegeen inay qofka siiyaan jaanis uu ku keeno macluumaad ka baxsan kuwa ay iyagu hayaan.

Wasaarada dastuurka ayaa UDI-da ku amartay inay xooga saaraan, isla markaana ay hormariyaan kiisaska dadka ay u badantahay ineysan magangalyo heli doonin, arintaasna ay si dhaqso ah u bilaabaan kadib marka si buuxdo looga soo noqdo fasaxa xagaaga(sommerka). Waxeyna sheegtay in hadii kiisaskan ay waqti dheer qaataan ay meesha ka baxeyso fursada ay u helayaan ka shaqeynta kiisaska kale oo sugaya UDI-da.

Wasaarada ayaa sidoo kale UDI-da ku amartay inay qofka kala noqdaan magangalyada, xitaa hadii aan wadankiisii lagu celin karin, hadii uu buuxiyay shuruudaha dib ula noqoshada magangalyada. UDI-da ayaa horey qofka u celin jirtay magangalyada, hadii ay xaaladu saamaxeyso in wadankisii lagu celiyo. Wasaarada ayaa aaminsan in qofku uu si iskiis ah(frivillig ah) ugu noqon karo wadankiisii.

Noas: Norway waxey hoos u dhigtay xuquuqda qoxootiga.

Ururka u dooda xuquuqda nabadgalyo doonka ee NOAS ayaa sheegay in Norway ay wiiqeyso xuquuqda dadka qoxootiga ah, ayna furtay wado cusub oo ku saabsan qaabka loola dhaqmo qoxootiga magangalyo doonka ah.

Xigasho/kilde: Vårt-land.no,

Vårtland-papiravis- 18-08-2017

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments