Waa imisa kun tirada soomaalida kunool magaalada Oslo?: Ogow tirada

0
310
Foto: Cali wadani

Magaalada Oslo waxay kamid tahay meelaha ay sida xoogan u deganyihiin soomaalida kunool galbeedka Yurub. Oslo waxaa guud ahaan degan dad tiro ahaan dhan 658.390( 2008 waxaa kunoolaa 560.484), Iyada oo 32,2% dadka Oslo degan ay yihiin ajaaniib ama caruurta ay dhaleen.

Soomaalida Oslo tiradooda:

Sadex qowmiyadood ee soo galootiga ah ee ugu badan oo kunool magaalada Oslo waa Pakistanta(23.010 qof) Polishka/Poland(16.624 qof) iyo Soomaalida oo kujirto kaalinta sadexaad, tiradooduna ay dhantahay 15.137 qof.

Waxeyna taas ka dhigantahay in 36% soomaalida Norway kunool oo dhan ay deganyihiin hal magaalo( waa Oslo). Guud ahaan tirada soomaalida Norway kunool waxey SSB ku sheegtay inay kor u dhaafayaan 42.000.

Qowmiyada Polishka ayaa ah dadka ay tiradoodu sida aadka ah ugu soo badaneyso magaalada Oslo.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments