Sp:MDG iyo Rødt dowlad lama wadaagi doono

0
171
Gudoomiyaha Sp: Trygve Slagsvold Vedum

Xisbiga Sp(SenterParti) oo u janjeero dhinaca danaha dadka beeraleyda iyo xoolo-dhaqata ah ayaa meesha ka saaray inay wada-shaqeyn xukuumadeed dhexmarto xisbiyada yar ee Rødt iyo MDG. waxeyna sheegeen inay doorashada ku gali doonaan rabitaanka wada-shaqeynta xisbiyada SV iyo Ap oo horey ay 8 sano dowlada u wada heysteen.

Gudoomiyaha xisbiyada Sp oo saaka marti ku ahaa barnaamijka dooda siyaasada ee NRK ayaa sidoo kale sheegay inay u furanyihiin wadashaqeynta xisbiga KRF oo uu sheegay inay wax wadaagi karaan. Balse doorashadooda koowaad ay tahay SV iyo Ap.

Inkasta oo Ap iyo Sp ay iska fogeynayaan wada-shaqeynta MDG iyo Rødt, hadana hadii la fiiriyo codbixinada lagu qaaday internetka, waxey muujinayaan in labadan xisbi ay ugu danbeynta taageero weydiisan doonaan xisbiyadaas yar-yar, si ay meesha uga tuuraan xisbiyada midigta. Xisbiga Ap ayaa markii ugu horeysay mudo afar sano ah ka hoosmaray 30% codadka la qaaday, waxeyna taas u muujineysaa inuu ku yimid hoos u dhac weyn, iyada oo doorashadii ay inaga xigto labo isbuuc oo kali ah. Ayna u baahanyihiin taageero walba oo ay heli karaan, si ay dowlada u qabsadaan.

Sp ayaa ah xisbiga kalsoonida ugu badan ku qabo doorashadan, maadaama dadka doorto ama uu danahooda u daaganyahay ay afartii sano ee ugu danbeysay ay ka cabanayeen siyaasada xukuumada Erna Solberg iyo wasiirkeeda deegaanka iyo beeraha. Gaar ahaan beeraleyda iyo dadka degan tuulooyinka yar-yar waxey aad u cabanayaan deegaanada(kommune) ay sida qasabka ah dowlada u mideysay. Sp ayaa dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay helay codad aad u badan, wuxuuna qarka u saaranyahay inuu booska xisbiga sadexaad ee ugu weyn uu kala baxo xisbiga Frp.

Xigasho/kilde: NRK.NO

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments