søndag, april 28, 2024

Brussels: Ururka Daacish oo sheegatay weerarkii uu ninka soomaaliga ah ka geystay Belgium-ka.

Kooxda Xagjirka ah ee Daacish ayaa maanta oo axad ah sheegatay weerarkii Jimcihii ka dhacay magaalada Brussels ee caasimada dalka Belguim. Weerarkaas oo uu geystay nin Soomaali ah oo lagu sheegay inuu ahaa 30 sano jir, kaasi oo mindi ku weeraray ciidamada roondada ka haya bartamaha magaalada Brussels.

Booliiska ayaa toogtay ninkan isagoo ku dhawaaqaya (Allahu Akbar), wuxuuna habeenimadii Jimcaha u dhintay dhaawaciisa. Wuxuu sidoo kale sitay kitaab Quraan ah iyo bistoolad caag ah(aan run aheyn), sida ay saraakiisha amniga Belgiumku sheegeen.

Ninkan ayaa la sheegay inuu qaxootinimo ku yimid dalka Belguimka sanadkii 2004, wuxuuna in muddo ah sugayey in lasiiyo sharci degenaasho, isaga oo sanadkii 2015 qaatay dhalashada dalkaasi.

Soomaaligan ayey Booliiska sheegeen inuusan horey ugu jirin dadka ay isha ku hayaan ee lala xariirinayo falalka argagaxisada, dadka yaqaanayna waxay sheegeen inuu ahaa qof caadi ah oo aan shido-badneyn sida ay sheegeen dadka deriska la ahaa.

Warbaahinta Daacish afkeeda ku hadasha ee Amaq ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in ninkaasi uu kamid ahaa askartooda, waa siday hadalka u dhigeenee.

Xigasho/kilde: P4

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x