Spain: 13 qof oo dhimatay iyo dhaawaca oo 100 sii dhaafay, weerar argagaxiso

0
264

Ilaa hada inta la xaqiijiyay 13 qof ayaa ku dhimatay, dad boqol kor u dhaafayana way ku dhaawacmeen weerar argagaxiso oo lagu qaaday magaalada Barcelona ee dalka Spain. Nin ayaa gaari waxa uu jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa xaafadda Las Ramblas ee caanka ku ah dalxiiska ee magaalada Barcelona.

Dowladgoboleedka Catalonia ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof halkaasi ay ku dhinteen halka 100 iyo dheeri kalena kalana ay ku dhaawacmeen.

Boqollaal dalxiisayaal ah iyo dadka deegaanka ayaa gabbaad ka dhigtay dukaamo iyo kaniisado, xilli booliska ay bilaabeen inay baacsadaan darawalkii waday gaariga dadka jiiray. Qof laga shakiyay ayaa la xiray, walow aanay caddeyn in uu gudaha ugu jiray gaariga.

Sidoo kale booliska ayaa magacaabay qof labaad oo laga shakisan yahay oo ay ku sheegeen inuu asal ahaan ka soo jeedo Waqooyiga Afrika, kaas oo ay rumaysan yihiin inuu gaariga soo kiraystay. Booliska ayaa goor sii horreysay sheegay inay baarayaan gaari labaad oo lala xiriiriyay weerrarka.

Weerarkan ayaa kamid ah tobonaan weeraro argagaxiso oo sanadadii ugu danbeeyay ka dhacayay magaalooyinka waaweyn ee qaarada Yurub.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments