Norway: Dowlada oo cadaadis kadib hoos u dhigtay shardiga lacageed ee qofka qoyskiisa u dacwoonaya.

0
139
Listhuag

Wargeyska VG ayaa isbuucan soo bandhigay warbixin ku saabsan in xukuumada Erna Solberg aysan fulin go´aan ay baarlamaanka Norway gaareen sanad kahor, kaas oo ku saabsanaa in la yareeyo shardiga lacageed ee qofka raba inuu qoyskiisa u dacwooda.

[adsenseyu1]Baarlamaanka ayaa sanad kahor isku raacay in qofkii raba inuu u dacwoodo qoyskiisa uu sanadkii shaqeeyo lacag dhan 252.472 nok, balse Høyre iyo Frp ayaa rabay in shardigaas uu noqdo 306.700 Nok. VG ayaa maalmo kahor fashiliyay in dowladu aysan fulin go´aankaas, waxaana arintaas caro weyn ka muujiyay xisbiyada mucaaradka, waxeyna dalbadeen in Erna Solberg ay jawaab hufan arintaas ka bixiso.

Wasaarada dastuurka ayaa markii hore isku deyday inay iska fogeyso eedeynta ah ineysan fulin go´aankii baarlamaanka, balse markii danbe ayay sheegeen inay arintaas u fulin doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan, kadib marka ay arkeen fal-celinta xisbiyada mucaaradka.

Wasaarada ayaa sheegtay in dhawaan ay soo saari doonto wareegto arintaas ku saabsan, taas oo hadii ay fuliso ka dhigan in lacagta qofka u dacwoonaya qoyskiisa ay noqon doonto 252.472 NOK.

Xigasho/kilde: VG.NO, NTB/MSN. 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments