Grønland Oslo: Xisbiyada waaweyn oo tartan ugu jiro codadka soo galootiga iyo soomaalida.

0
229

Waxaa 14 maalmood ay inaga xigtaa doorashadii baarlamaanka dalkan Norway, waxeyna xisbiyadu tartan adag ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen codadka ugu badan, si kuraas fiican ugu yeeshaan baarlamaanka.

Xaafada Grønland oo ah xaafada ay soomaalidu ku badantahay magaalada Oslo ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa ololaha doorashada, iyada oo xisbiyadu ay teendheeyin ka furteen bartamaha xaafada, iyada oo qeybinayo waraaqaha doorashada oo qaarkood ay Af-soomaali ku qoranyihiin.

Sidoo kale xisbiyada waaweyn ayaa mararka qaarkood Grønland usoo diro siyaasiyiin waaweyn ee hogaamiya xisbiga, qaarkood ay xilal hayaan. Waxaa kamid ah wasiirka difaacana Norway Ine Marie Eriksen Søreide oo dhawaan uu SNTV iyo wariye Xasan raasto wareysi kooban ku siisay bartamaha xaafada Grønland.

Halkan ka daawo muuqaalka Raasto iyo wasiirka difaaca Norway.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments