tirsdag, april 23, 2024

Wasiirada soo galootiga Sweden oo diiday inay la kulanto Lishaug

Wasiirada arimaha soo galootiga dalka Sweden, haweeneyda lagu magacaabo Helene Fritzo ayaa baajisay kulan ay maanta Stocklom kula yeelan laheyd wasiirada soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug.

Wasiirada soo galootiga Sweden ayaa sheegtay ineysan waqti u heyn inay kamid noqoto ololaha doorashada baarlamaanka Norway oo ay Listhaug aad ugu mashquulsaneyd isbuucyadan, safarka Swedena uu yahay qeyb kamid ah ololaheeda.

Helene Fritzo ayaa sheegtay inay la socotay wareysiyada ay Listhaug siineysay saxaafada, taasna ay u cadeysay in qorshaha safarkeedu uu yahay mid kamid ah ololaha doorashada, iyada oo sheegtay in Listhaug ay horey halqabsi uga dhigatay ereyo lid ku ah sumcada dalka Sweden. Iyada oo raacisay in hadalka Listhaug ee ah inay jiraan 60 goobood oo aysan boolisku gali karin ay tahay mid waxbo kama jiraan ah.

Listhaug ayaa lagu wadaa inay maanta booqato xaafada ay soomaalida iyo soo galootiga kale ku badanyihiin ee Rinkeby Stocklom, waxeyna sheegtay in safarkeedu uu yahay mid ku saleysan waxbarasho ku saabsan xaalada qoxootiga Sweden oo ay Listhaug aamintahay iney tahay mid lagu guuldareystay.

Wasiiirada soo galootiga Sweden ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay Listhaug la kulanto doorashada kadib, waaba hadii ay sii joogtee.

Xigasho/kilde: VG.no,  Nettavisen.no

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x