Maqnaanshaha ardeyda dugsiga sare ee xiisada iskuulka oo 40% hoos u dhacday. Ogow sababta

0
121
Torbjørn Røe Isaksen (H): Wasiirka waxbarashada Norway
Torbjørn Røe Isaksen (H): Wasiirka waxbarashada Norway

Maqnaanshaha ardeyda dugsiga sare ay ka maqanyihiin xiisada iskuulka ayaa sanad dugsiyeedkan lasoo dhaafay hoos u dhacday ku dhawaad 40%, kadib markii wasaarada waxbarashadu ay sanadkii hore soo rogtay xeer cusub oo ku saabsan maqnaanshaha ardeyda dugsiga sare.

Xeerkan cusub oo dhaqangaliyay bilowga sanad dugsiyeedkan ayaa dhigayo in hadii uu ardeygu ka maqnaado xiisada iskuulka wax ka badan 10%, uusan maadadaas ku heli doonin wax natiijo ah(karakter).

Xeerkan cusub ayaa saameyn balaaran ku yeeshay maqnaanshaha ardeyda ee dugsiga sare. Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay in maqnaanshaha ardeyda dugsiga sare ee xiisada iskuulka ay hoos u dhacday. Iyada oo raacisay inay aad ula dhacsantahay in xeerkan cusub oo soo jeedintiisu uu lahaa xisbiga Høyre, uu miro dhalay isla markaana la arkay natiijadiisa.

Hoos u dhaca ugu badan wuxuu ku yimid ardeyda dugsiga sare ee dhigata qeybta farsamada gacanta(Yrkesfag). Ardeyda dhigata qeybta farsamada gacanta ayaa caan ku ah inay aad uga maqnaadaan xiisadaha iskuulka, balse sanadkan waxaa maqnaanshahooda xiisada iskuulka ku yimid hoos u dhac aad u balaaran.

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments