Listhaug: Doomaha soo badbaadiyo tahriibayaasha, waa in dib loo celiyo

0
96

Waxaa isbuucan shaqada kusoo noqotay Sylvi Listhaug, wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada dalkan Norway oo dhowr bilood ku maqneyd fasaxa umusha. Listhaug oo isniintii dib ugu soo noqotay xafiiska ayaa durba bilowday inay meesheedii kasii wado hadaladii ay ka tuuri jirtay warbaahinta.

Listhaug ayaa shaley warbaahinta u sheegtay inay muhiim tahay in Yurub ay si xoogan u ilaaliso xuduudaheeda. Waxeyna sheegtay ineysan suurtogal aheyn in Yurub ay qaadato dad ay ugu yeertay tahriibayaal dhaqaale raadis ah oo xaq u laheyn inay magangalyo ka helaan Yurub.

Listhaug ayaa soo jeedisay in marka ay doomuhu badda kasoo badbaadiyaan tahriibayaasha, ay dib ugu celiyaan meeshii ay ka yimaadeen(Libya), aana loo soo qaadin dalalka Yurub, gaar ahaan Talyaaniga. Waxeyna raacisay in arintaas ay xal u noqon karto tahriibayaasha kusoo qulqulayo qaarada Yurub, maadaama aysan cidna soo tahriibi doonin, hadii ay ogyihiin iny dib loogu celinayo meeshii ay doonta kasoo qaateen.

Xigasho/kilde: Dagbladet,  ABC-NYHETER

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments