Madaxweynihii loogu jeclaa dalka Brasil oo 9 sano oo xabsi lagu xukumay

0
155

Maxkamad ku taala dalka Brazil ayaa sagaal sano oo xabsi ah ku xukuntay madaxweynihii hore ee Brazil Lula da Silva. Waloow qareenkiisa uu sheegay in uu racfaan ka qaadanayo xukunkaasi. Waxaana lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo wax isadabamarin intii uu xilka madaxweynimo ka hayay Brasil.

Luiz da Silva ayaa  iska fogeeyay eedeymaha lagu soo eedeeyay, isaga oo sheegay inuu haba yaraatee wax lunsi ah ku sameynin hantidada dadweynaha intii uu xilka hayay. Da Silva oo reer Brasil ay ugu naaneysaan Lula ayaa sheegay in eedeymahaas ay yihiin kuwa siyaasadeysan, isla markaana xaqiiqada ka fog. 

[adsenseyu2]

Luiz Da Silva ayaa ah madaxweynaha loogu jecelyahay dhamaan madaxdii soo martay dalka Brasil. Wuxuuna xilka hayay intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2011, xiligaas oo ay Brasil gaartay horumar dhaqaale oo aad u weyn, kaas oo sababay inay kursi ku yeelato wadamada muruqyo-weynta dhaqaale ee G-20. Lula oo lagu tiriyo garabka bidix ee fog(hanti wadaag) ayaa hada mar kale u taagan inuu u tartamo jagada madaxweynino ee dalkaas. 

Dalka Brasil ayaa waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay harqiyay eedeymo la xiriira musuq-maasuq ay sameeyaan madaxda dowlada. Sadaxdii madaxweyne ee ugu dambeeyey dalkaBrasil,  ayaa waxaa lag agu eedeeyey dacwooyin musuqmaasuq la xiriira. Madaxweynaha hadda xilka haya Michel Temer ayaa isagana dacwado ay ku socdaan. Waxaa sidoo kale jira siyaasiyiin badan oo xisbiyada ka tirsan oo iyagana la baarayo.

Xigasho/kilde: DN.NO, E24.NO

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments