NTB: Booliska Norway iyo UDI-da oo baaritaan ku sameeyo Facebooga qofka, marka ay ka shaqeynayaan kiiskiisa

0
125

Sida ay maanta qorayaan qaar badan oo kamid ah warbaahinta dalkan Norway, booliska Norway(qeybta arimha soo galootiga) iyo shaqaalaha hey´ada UDI-da, ayaa baaritaan ku sameeyo Facebooga iyo baraha bulshada qofka, marka ay ka shaqeynayaan kiiskiisa, si ay u hubiyaan in macluumaadka uu sheegtay ay sax yihiin.

Shaqaalaha UDI-da ee ka shaqeeyo kiisaska dadka magangalyo doonka ah iyo dadka laga shakisanyahay aqoonsigooda, ayaa dhawaan helay tababar ku saabsan sidiii ay hab nidaamsan ugu dabi gali lahaayeen ama baaritaan ugu sameyn lahaayeen Facebooga qofka ay markaas ka shaqeynayaan kiiskiisa, si ay u helaan macluumaad dheeri ah oo qofkaas ku saabsan.

Macluumaadka ay kasoo helaan Facebooga iyo baraha bulshada ayaa noqon kara kuwa xoojinayo aqoonsiga qofka ama abuurayo shaki cusub, taas oo ugu danbeyn keeni karto in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo kiiska qofkaas.

Dad Soomaaliya sheegtay oo jabuuti asal ahaan kasoo jeedo:

Sida ay sheegeyso UDI-du, waxey Facebooga kasoo heleen macluumaadyo shaki galin kara sheekada ama aqoonsiga shaqsiyeed  uu qofkaas uu isku dhiibay. Waxyaabaha ay sheegeen inay ka heleen Facebooga ayaa waxaa kamid ah dad sheegtay inay Soomaaliya kasoo jeedaan, oo ay arkeen iyaga oo Facebooga Af Faransiis kula sheekeysanaya asxaabtooda, taas oo ugu danbeyn keentay baaritaan lagu sameeyay dadkaas.

Sidoo kale dad sheegtay inay kasoo jeedaan Koonfurta Soomaaliya, ayay sheegeen inay Facebooga kasoo heleen macluumaad sheegayo in qofkaas uu kasoo jeedo Woqooyiga Soomaaliya.

[adsenseyu2]

Dad sheegtay inay kasoo jeedaan Falastiin, ayaa gadaal laga ogaaday inay kasoo jeedaan Urdun, kadib markii Faceboogooda laga helay macluumaad sheegayo inay dalkaas kasoo jeedaan.

Waxyaabaha kale oo ay baaraan waxaa kamid ah: Sawirada uu qofku soo dhigay iyo meesha uu ku galay. Wadamada uu qofkaas booqday iyo dadka uu la sawiranyahay. Da´da qofkaas ugu qoran Facebooga, cida uu saaxiibka layahay iyo waliba luuqadaha uu Facebooga kaga hadlo iyo meesha ay kasoo jeedaan saaxiibadiisa Facebooga.

Dadka sharciga dhalashada lagala noqonayo:

Ma ahan dadka wadanka ku cusub oo kaliya waxa ay UDI-da iyo boolisku dabagal ku sameeyaan macluumaadkooda baraha bulshada, sidoo kale dadka laga shakisanyahay aqoonsigooda shaqsiyeed ayaa kamid ah dadka ay UDI-du baaraan faceboogooda iyo barashooda kale ee bulshada.

Sida ay UDI-du sheegeyso, dhamaan kiisaska dadka ay kala noqdeen sharciga dhalashada, wuxuu Faceboogu ahaa udub-dhexaadka macluumaadyada keenay in qofkaas lagala noqdo sharciga. Xitaa Kiiska Mahad Abiib oo Soomaalidu ay aad u wado xusuustaan, macluumaad laga helay Facebooga iyo Skypka, ayaa xudun u ahaa sababihii keenay in maxkamada Oslo ay ku garaacdo go´aanka UDI-da iyo UNE.

Wadamada kale oo Yurub oo iyagana arintaas bilaabi raba:

Waxaa dhawaan Oslo ka dhacay shir ay isugu yimaadeen hey´adaha ka shaqeeyo arimaha soo galootiga ee wadamada Yurub. Waxeyna isdhaafsadeen aqoon isweydaarsi ku saabsan sida loo baaro ama loo dabagalo macluumaadka qofka ee Facebooga. Waxaa dhici karto in wadamada kale ee Woqooyiga Yurub ay arintaas bilaabaan.

Booliska Norway iyo UDI-da ayaa bilaabay baaritaanka Facebooga qofka sanadkii 2015, markaas oo ay Norway iska soo dhiibeen kumanaan qof oo magangalyo doon ah.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER, Nettavisen,  NRK

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments