Eng. Assad Qaasim: Waa suurtogal in qof muslim ah uu Norweeji noqdo, asiga oo weliba ku faraxsan.

0
153
ENG. Assad Qaasim

Waa suurtogal in qof muslim ah uu Norweeji noqdo asigoo weliba ku faraxsan, waa cinwaanka maqaal aan dhawaan kusoo daabacay wargeyska Drammens Tidende ee kasoo baxa magaalada Drammen.

Maqaalkan wuxuu jawaab u yahay maqaal kale oo nin norwegi ah uu qoray, kaas oo lagu soo daabacay isla wargeyskaas. Ninkaa norwejiga ahi wuxuu dhaliil badan usoo jeediyay muslimiinta, isaga oo saluugsanaa sida muslimiinta degan dalkan Norway aysan u aheyn dad isku xiran oo ka hadla marwalba, kana soo horjeesta ficilada xuxun ay dadla muslim ahi ka geeystaaan dunida daafaheeda.

Wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay falalkii ka dhacay dalka ingiriiska oo ay dad muslimiin ah geysteen iyo qeybo kale dunida kamid ahba. Wuxuu leeyahay maxaa loo waayay 2 qof oo norwiigi muslim oo joornaalada  ku qora, kana soo horjeeda falalkaa anshaxa xun ee ay muslimiinta mintidka ahi aduunka ka geystaan,  mise waaba dad ku raacsan falalkaa foosha xun. Waxyaabo kale oo badana oo ay kamid yihiin jintegrering” iyo sida dadka muslimiinta ee ku nool dalkan ay u yihiin  dadka ay aadka ugu adagtahay in ay ku milmaan mushtamaca kale ee ay la noolyihiin. Wuxuu sidoo kale kale ka hadlay shaqooyinka iyo waxbarashada.

Halkan ka akhri maqaalka uu qoray ninkaas Norwiijiga ah.

Tani waa jawaabtii aan ka bixiyay maqaalkaas:

Waxaa suurtogal ah lana arkay in ay macquul tahay in qof ajnebi ahi, muslim ama kiriishtaanba ha ahaadee in uu haysan karo diintiisa asaga oo islamarkaana ah mid ku faano kuna farxo in uu norweeji yahay. Waxaa wadankan ku nool dad badan oo norweeji muslimiin ah, qowmiyad walba haka soo jeedaane oo dalka wax weyn u haya. Qaar waa dhaqaatiir, enjineero, macaliin, kalkaaliso, kuwo dukaamo ka shaqeeya iyo kuwo kale oo howlo muhiim wadanka u haya. Canshuurtana bixiya, kuna faana in ay yihiin norweji muslim ah.

[adsenseyu2]

Muslimiinta intooda badan oo aan ku jira anigaan kula hadlaya, wey ka soo horjeedaan dilka iyo isqarxinta ay geystaan dadka musliimta xagjirka ahi. Meelna kagama taalo Quraanka kariimka ah in dad masaakiin ah dhiigooda la daadiyo. Marka waxaan hubaa in dadka badankiis ay ka soo horjeedaan fikirkaa ah in qof uu naftiisa ku waayo dad kale oo uu waxyeeleeyo.

Maxaa keenay in dhalinyaro Europe ku dhalatay, kuna koray ay argagixiso noqdaan? Waxaa muhiim ah in marwalbo waxkasto oo la sameynayo loo sameeyo cilmi ahaan. Cilmi baaris la sameeyay waxay tuseysaa in dhalinyarada yurub ku dhashay, kuna koray oo ku kaca falal argagixiso ay yihiin dhalinyarada ciyaalnimadooda ay ka xumaatay. Dhalinyaro iskoolka ka dhacay oo aan waxbaran. Dhalinyaro kasoo jeedo qoys aan isku toosneyn “stabil familie” , faqrinimo kunoolaa yaraantoodii, taas oo kadibna kalifta in dhalinyaradaas ay ku kacaan falal dambi oo aan sharci aheyn, sida gadista xashiiska iyo doroogooyin kale oo badan. Kadibna intooda badan waxey mutaan oo sanado kusoo qaataan xabsiga.

Dhalinyaradaani inta badan ma ahan kuwo si fiican luuqadooda iyo dhaqankooda u yaqaano, taas oo sababta in aysan la qabsan ama aysan si wanaagsan u fahmi Karin luuqada iyo dhaqamada laga adeegsago  meelaha ay ku badan yihiin dadka ay isku wadanka yihiin “miljøet”. Dhalinyaradaani inta badan aqoon fiican uma laha diinta islamka oo kaliya waxey ka yaqaanaan in kooban oo xadidan amaba maba yaqaanaan. Markaas waxey gacanta u galaan dad xagjir ah oo ka soo horjeeda jiritaanka mushtamaceena iyo wada noolaanshaha aynu heeysano oo sidaas ayaa maskaxda looga dhaqaa oo lagu programiyaa/shubaa wax walba oo ay dadkaasi doonaan iyada oo la soo sheegaayo in ay janada galaayaa iwm.

Marka waxaa aad muhiim u ah in aynu si fiican u ogaano oo aynu isticmaalno baaritaanada la sameeyay si aynu u sameeyno ka hortag buuxa si aayna arinkaas oo kale u dhicin. Waa in iskoolka iyo wakaalado kaleba is kaashadaan si ardayda ajneniga ahi aad looga caawiyo si aay nolol fiican u sameeystaan mustaqbalka oola looga hortago waxwalbo oo dhici lahaa mustaqbalka.

Halkan ka akhri maqaalkii jawaabta ahaa ee aan ugu jawaabay ninkaas norwiijiga ah.

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments