Culeyska xeerka (Taushetsplikti)-ga iyo sida fudud oo ay soomaalidu u sahladaan

0
161

Ninkaas halkaa fadhiyo ma u jeedaa, hada kahor ayaan u turjumay markii uu wadanka iska dhiibayay, oo wuxuu sheegtay saas iyo saa. Gabadhaas ayada iyo ninkeeda oo caruur isku heysta ayaa maxkamad uga turjumay, iyo hebel cudurkaas ayuu qabaa, waxaan xasuustaa isaga oo isbitaalka aan ka shaqeeyo lasoo seexiyay.

Waxaa laga yabaa in mar uun noloshooda kamid ah aad maqashay tusaalayaasha  aan kor kusoo xusnay ama kuwa u dhigma, waxeyna tusaalayaal u yihiin sida ay dadkeenu u fududeystaan xeerka loo yaqaano Taushetspliken(Xeer ku saabsan inay waajib kugu tahay inaadan qof kale la wadaagi karin macluumaadka shaqsiga aad kula kulantay  goobtaada shaqada). 

Taushetsplikt-tigu waxaa inta badan qofka laga saxiixaa marka koowaad ee uu qofka shaqada bilaabayo, halka shaqooyinka qaarkoodna dhowrkii sanaba mar la cusbooneysiiyo. Taas oo ka dhigan in hadii aad jabiso xeerkaas uu ku qaban karo, isla markaana maxkamad lagula tiigsan karo ama lagaa dalban karo magdhow. Si maalinle ah ayay warbaahinta Norway wax uga qortaa dacwad-maxkameedyo ku saabsan xeerkaas oo la jabiyay, haba u badnaadeene dadka ganacsatada ah iyo shirkadaha qareenada.

[adsenseyu2]

Marka lagaa saxiixo xeerka Taushetspliktiga, waxaad heleysaa macluumaad badan oo ku saabsan nolosha iyo siraha hoose ee dadka aad shaqada kula kulanto. Waxaa lagugu aaminay inaad qaadi karto masuuliyada ah heynta siraha qofkaas, iyada oo lagu siiyay kalsooni, isla markaana lagugu waajib yeelay inaad macluumaadka aadan qof kale la wadaagi karin.

Xabsi dhowr sano ahama dhowr milyan oo magdhow: 

Waxaad moodaa in bulshadeena oo ah bulsho-af ku nool ah, isla markaana aan u jajabneyn raacista xeerarka qoran, ay sahashadeen sharciga taushetspliktiga iyo culeyskiisa. Hadii aad jabiso xeerkaas, isla markaana laga ogaado goobtaaada shaqada, waxey u badantahay in shaqada aad heyso lagaa ceyriyo, maadaama aad tahay qof aan lagu aamini karin macluumaadka dadka kale. Sidoo kale hadii ay kuu diiwaan-gasho(rekordka-laguu galiyo) inaad tahay qof jabiyay xeerkaas, wey adagtahay inaad hesho shaqo ay soo hoos galeyso ilaalinta macluumaadka shaqsiyaadka.

Hadii ay arintu halkaas ka gudubto oo qofkii ama shirkadii aad macluumaadkeeda gudbisay ay kula fuusho maxkamad, waxaa dhici karto inaad mudato ciqaab xabsi oo dhan dhowr sano ama in lagugu xukumo inaad bixiso magdhow malaayiin NOK ah, maadaama aad waxyeeleysay sumcada iyo shaqsiyada qof ama shirkad.

Sidoo kale waxaa qofka muslimka ah saaraan waajib diini ah oo faraya inuu ilaaliyo sumcada walaalkii kale ee muslimka ah, kana fogaado waxyaabaha dhaawaca u keeni karo.

Muhiimada aan qoraalkan usoo daabacnay, waa dadku ay ku baraarugsanaadaan xeerkaas adag ee Taushetspliktiga iyo culeyska uu leeyahay.

NorSom News

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments