Muhamed Osman: Aaway aabayaashii soomaaliyeed?

1
125
Muhamed Osman Ahmed
Muhamed Osman Ahmed

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha maqaalkan, salaan kadib waxaa mahadleh Allah wayne oo inaga dhigay lab iyo dhedig, inagana dhex beeray ubad iyo caruur oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Allah ayaa waajib inooga yeelay inaan barbaarino ubadkeena jir ahaan iyo caqli ahaan intaba, si taasi loo helana waxaa qasab ah in labada waalid ee dhalay caruurta ay si iskumid ah u qaataan waajibka Allah dulsaaray ee kaga aadan barbaarinta iyo dhisida ubadka.

Maxaa igu dhaliyey inaan qoro maqaalkaan:

Waxaan ahay aabe dhalay ubad, waxaan in muddo ah aan ku noolaa qurbaha qaasatan wadankaan Norway. Waxaan in muddo ah aan usoo joogay xaalado la xariira barbaarinta ubadka iyo khilaafaadka qoysaska soomaaliyeed, waxaan sidoo kale aan soo arkay in muddo ah soomaali iyo hayadda xanaanada caruurta ee barnevernka loo yaqaan oo is haysta.

Waxaan tiriyey oo aan daraasaad ku sameeyey ardayda somaliyeed ee barato cilmiga la xariira barbaarinta iyo ka hortagga dhibaatada haleesha caruurta.Waxaaan in muddo ah aan isku mashquuliyey inaan caruurtayda uraaco meelaha lagu ciyaarsiiyo caruurta aniga oo ujeedadayda keliyah ay tahay inaaan bal ogaado caruurta iyo xaaladooda marka ay la wada joogaan oo aay wada ciyaarsiinayaan labada waalid. Waxaan sidoo kale la kulmay hooyooyin aad u tiro badan oo keli ku ah caruurta, marka ay geynayaan xanaanada (barnehage) sfo iyo iskuulkaba, waxaan sidoo kale arkay in hooyooyinka keliyah ay tagaan kulamada loo yaqaan (foreldremøte) ee iskuulka iyo xanaanada ka dhaca.

Haddaba waxaan is waydiiyey aaway aabayaashii soomaaliyeed? Aaway qaybtii kaga aadaneed korinta iyo barbaarinta ubadka? Maxaa ku qasbay keliyah hooyooyinka dhibaatada la xariirta korinta ubadka?. Suaalahaas oo miiran ayaan u waayey jawaab waafi ah waxaana iisoo baxday inaan bal soomaalida la wadaago arinka:

Haddii ubad somaliyeed ay hay´adaha xanaanada soo farageliyaan soo ma oran karno waxay arkeen in caruurta ay hal waalid leeyihiin, sidaa darteedna ay ubaahan yihiin in la caawiyo? Aabaha dhalay ubadkaan soo waajib diini ah ma saarno oo la xariiira ubadka? Mase waxaan leenahay dhamaan nimanka soomaalida way wada shaqeeyaan oo ma helaan fursad ay ubadka ku raacaan? Waxaan rajaynaaa in maqaaalkaan uu bal wax un ka bedelo dhibaatada haysata hooyooyinka, iftiimiyana doorkii aaabaha in aysan ka muuqan masraxa barbaarinta ubadka.

Qore: Mohamed Osman Ahmed (Fredrikstad).


Hadii aad rabto inaad aqoontooda, qibradaada, xirfadaada, fikirkaaga ama hamigaaga aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed, waxaad qoraalkaada noogu soo gudbin kartaa: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
qaam raam
6 years ago

cilmi badanaa