Qowmiyad walbo aqoonteeda iyo waxtarkeeda waxaa laga qiyaasaa dhismaha qaab dhismeedka qoysaska qowmiyadaas ,lagana tusaalo qaataa mustaqbalkooda. Soomaalida Norway ku nool waa qowmiyada ajaaniibta aana ka so jeedin Yurub kuwa ugu badan, hadana marka aad fiirisid xaga aqoonta, shaqada iyo dhisida caruur mustaqbal leh, waa kuwa ugu hooseeyo qowmiyada kale ee la midka ah.
Waxaana taas u sabab ah burburka familada soomaalida oo iska noqday wax iska caadi ah oo aan ceeb loo arkin. Sababaha familadu ku burburaan waa kala duwan yihiin, hadana hadaad si kale u eegto waa isku mid, waayo waxaa ugu weyn ee leysku heysto waa dhaqaalo, shaatigi la doono haba lo galiyee.
Dhibaatooyinka badan ee laga dhaxlo burburka qoyska ,waxey saameynta ugu badan ku yeeshaan caruurta, maskixin ahaan aqoontooda iyo noloshooda caadiga ahba. marnaba isku mid ma noqon karaan ilmo ay soo barbaariyeen Hooyo iyo Aabe wada nool iyo ilmo kusoo koray qoys kala tagay.
Waxaa dhaqanka soomaalida lagu yaqaanay marki xaaladu xumaato in kitaabka Alle loo cadaalad raadsado. Laakiin hada waxaan aragna qowmiyad ku mashqulsan kala aarsasho, gaalo gar u dhigasho iyo xafiisyada meglinng-ka oo saf lo galo. Isla markaana meesha laga saaro in culumadi Alle loo gardhigto si lo helo cadaalad dhab ah ama loo noqdo dhaqankii soo jireenka ahaa ee soomaalida.
Maadaama aan nahay dad islaam ah, waxaan aaminsanahay in cadaalada Alle hayo, hadana waan ka cararnaa, waxaana ka dooranaa in sheydanka cadaalad lo raadsado.
Hadaba waxaan soomaalida kula talinaya in ilaah ka baqaan, ogaada in caruurta yihiin amaano alle kuu dhiibtay, lagulana xisaabtami doono. hadaad ka dhigato caruurta resources dhaqaalo uu kaa soo galo, aadna dayacdid inaad i u cadalad fasho, maxaad ka fileysaa qof dayacay amaanadii ilaahay uu ku imaanay iyo masuuliyadii dusha loo saaray, isla markaana ka doortay waxyaabo yar-yar oo maalmo ama bilo ku heyn doono?. Maxaad ka fileysaa qof ka dheeraaday sharcigii iyo cadaaladii Alle, isla markaana doortay tii sheydaanka?
…Dhamaad…
W.Q: Ahmed M. Abukar.
[adsenseyu2]