Koox ku ciyaareysay magaca Soomaaliya oo sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleysatay koob lagu qabto Bergen

0
166
Foto: Bergens Tidende

Koox ku ciyaareysay magaca Soomaaliya ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleysatay koob kubada cagta ah oo loo dhigo soo galootiga kunool magaalada Bergen. Kooxdan ayaa ciyaarta Finalka aheyd ee tartanka, maanta 4-1 ku garaacday koox isku dhaf aheyd oo ay kujireen ciyaaryahano asal ahaan kasoo jeedo dalal kala duwan. 

Isku dar waxaa koobkan ka qeybqaatay sideed kooxood, waxaana sanadkii labaad oo xiriir ah awood kooxaha kale u sheegatay kooxda ku ciyaareysay magaca Soomaaliya oo ka kooban dhalinyaro soomaali ah oo magaalada Bergen degan. 

Wargeyska lokalka ah ee magaalada Bergen, Bergensavisen ayaa warbixin oo maanta ka qoray tartankan iyo guusha kooxdaas soomaalida ah, cinwaan uga dhigay «Somalia vant «Bergens eget fotball-VM», Soomaaliya oo ku guuleysatay koobka aduunka ee magaalada Bergen. 

Mohammed Musa Ali oo kamid ah ciyaartoyda kooxda magaca Soomaaliya ku ciyaareysay ayaa loo doortay laacibka ugu ciyaar wanaagsanaa guud ahaan tartankan iyo gool dhaliyaha ugu goolasha badnaa. 

Foto: Anders Kjølen/BA

Dadka ciyaarta Finalka usoo daawasho tagay, waxaa kamid ah Lars Arne Nilsen oo ah macalinka kooxda Brann oo ah koox ka dhisan magaalada Bergen, isla markaana ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee dalkan. Lars ayaa amaan kala duldhacay Abdinajib Mohamed oo ah macalinka kooxda Soomaaliya tababaraha u ah. 

Sidoo kale waxaa garoonka soo xaadiray soomaali badan oo taageero la garab taagnaa kooxda ku ciyaareysay magaca Soomaaliya. 

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri warbixinta uu BT ka qoray guusha kooxdan soomaaliyeed. 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments