Wasiirka arimaha dibada Norway oo maanta Muqdisho ka dagay

0
203
Foto: Somali PM Twitter

Wasiirka arimaha dibadda dalkan Norway, Børge Brende ayaa saaka ka dagay caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Waxaana garoonka Aden Cadde kusoo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar.

Brende iyo Garaad ayaa labo isbuuc kahor ku kulmay magaalada Oslo, iyada oo sidoo kale uu wasiirka arimaha dibada dalkan Norway uu bil kahor magaalada Doha shir kula qaatay reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Dowlada Norway ma shaacin waxa uu salka ku hayo safarka wasiirka arimaha dibada uu ku tagay Soomaaliya.

Waxaa laga warsugu doonaa waxa kasoo baxo kulanka uu Brende maanta la qaadan doono madaxda dowlada Soomaaliya.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Finn ut mer om hvordan kommentardataene dine behandles.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments