Ahmed wuxuu Norway yimid 2011, balse wuxuu natiijada 6(ama A) ka keenay 13 maado oo dugsiga sare ah!

0
202

Wargeyska lokalka ah ee magaalada Hamarfest ee woqooyiga dalkan Norway, Hamarfestingen ayaa cadadkiisa maanta warbixin dheer kasoo qoray Ahmed Osman Mohamed oo Norway qoxootinimo kusoo galay sanadkii 2011, balse 13 maado oo kuwa dugsiga sare ee Norway ah ka keenay natiijiada 6 ama A.

Ahmed ayaa dhawaan ka qalinjabiyay dugsiga sare ee magaalada Hamarfest,  wuxuuna sheegay inuu rabo inuu jaamacada kasii barto dhaqtirnimo.   Wargeyska Hamarfestingen ayaa sidoo kale qoray in Ahmed uu shaqo ku garab waday intii uu dhiganayay dugsiga sare.

Ahmed ayaa wargeyska u sheegay in macalimtiisa dugsiga sare uu ka helay caawimaad badan, taasna ay kamid tahay waxyaabaha u sahlay inuu natiijo fiican ka keeno dugsiga sare. Isaga oo raaciyay in barashada luuqada Norwiijigu ay tahay, waxa ugu muhiimsan ee qofka u sahli karo inuu heer fiican ka gaari karo nolosha ama waxbarashada Norway.

Marar badan ayay warbaahinta Norway soomaalida ku eedeysaa inay yihiin kuwo dib u socod ah oo aan horumar ka gaarin nolosha Norway, laakiin dadka Ahmed oo kale waxey tusaale muuqdo oo lagu dayan karo u yihiin soomaalidu Norway guud ahaan, gaar ahaan dhalinyarada wadanka ku cusub.

Xigasho/kilde: Hamarfestingen-Papir-avis-28-06, Side 4

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments