NOAS oo qeylo-dhaan kasoo saartay xaalada 1600 Qoxootiga soomaalida ah, xili uu Kheyre la kulmi doono Solberg

0
214

Ururka u dooda xuquuqda magangalyo doonayaasha Norway ee NOAS, ayaa warbixintooda sanadlaha oo soo baxday maalmo kahor, qeylo dhaan kasoo saaray xaalada 1600 ee qoxootiga soomaaliyeed ah, kuwaas oo dowlada Norway ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyadooda.

NOAS ayaa qoraalkeeda ku sheegay inuu isbadal yar oo fiican uu ku yimid xaalada amaan ee magaalada Muqdisho, balse aysan Muqdisho wali aheyn meel amaan buuxdo ah oo xiligan qoxooti lagu celin karo dad magangalyo sanado dhowr ah ku heystay dalkan Norway. Waxeyna dowlada Norway ka codsaden inay gabi ahaanba dib u dhigto go´aankaas ilaa isbadal rasmi ah uu ku imaanayo xaalada amaan ee magaalada Muqdisho.

[adsenseyu2]

NOAS ayaa dowlada Norway ku eedeysay inay hormuud u tahay wadamo dhowr ah oo Yurub kuyaal, kuwaas oo si ulakac iyo bareer ah u garab maro xeerarka qoxootiga caalamiga ah iyo shuruucda u dagsan xuquuqda bini aadamka.

Qeylo dhaanta Noas ayaa ku aadameyso xili maalmo kadib uu dalkan Norway booqasho ku imaan doono reysulwasaaraha Soomaaliya, kaas oo kulamo la qaadan doono reysulwasaaraha Norway iyo wasiirka arimaha dibada. Kheyre ayaa horey u ahaan jiray madaxa hey´ada qoxootiga Norway ee NRC, laanteeda geeska Afrika, wuxuuna kamid ahaa dadka ay mar walba warbaahinta Norway kasoo xigtaan wararka ku saabsan xaalada amaan ee Soomaaliya iyo xaalada qoxootiga geeska Afrika.

Sawirka iyo sharaxaada uu Kheyre ka bixiyo xaalada amaan ee Soomaaliya, ayaa labada dhinacba wax ka badali karto go´aanada dowlada Norway ee ku saabsan qoxootiga soomaaliyeed, gaar ahaan 1600 ee soomaalida ah.

Xigasho/kilde: Dagen.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments