Denmark: Waalidka caruurta dhaqan-celiyo, halaga qaado sharciyada.

0
209

Sida uu qorayo wargeyska Berlinske ee dalka Denmark, xisbiyada Socialdemokratiet iyo SF ayaa isku raacay soo jeedin ah in sharciga halaga qaado waalidka caruurtiisa dhaqan-celinta ugu diro dalkii ay waalidku kasoo jeedeen. Iyaga oo raaciyay in waalidkaas dib loogu celiyo wadankii uu kasoo jeeday, caruurta looga reebo Denmark.

Labadan xisbi ayaa ku biirayo xisbiga DF oo isna horey isla soo jeedinta usoo bandhigay, waxeyna sadexdaas xisbi baarlamaanka Denmark ku leeyihiin tiro aqlabiyad baarlamaan ah oo ay ku meel-marin karaan qorshahaas, hadii baarlamaanka la horkeeno.

Xisbiyadan ayaa isku raacay in hadii waalidka laga ceshto sharciga Denmark, laguna celiyo dalkii ay kasoo jeedeen, xanaanada caruurta lagu wareejiyo qoysas Danish ah.

[adsenseyu2]

Dooda ku saabsan dhaqan-celinta ayaa Denmark ka bilaabatay, kadib markii magaalada Hargeysa ay booliska Somaliland howlgal ku qaadeen dugsi quraan oo ay kujireen gabdho qurbaha laga soo celiyay. Waxaana gabdhaha halkaas laga soo qabtay kamid ahaa labo gabdhood oo heysto dhalashada dalka Denmark.

Xisbiyadan ayaa soo jeedintooda kusoo beegay xiligan uu soo dhowyahay fasaxyada, iyaga oo sheegay in xagaagu uu yahay waqtiga caruurta ugu badan looga soo tago wadamada dibada, si loo dhaqan-celiyo.

Norway maku dayan doontaa Denmark:

Sida badanaa dhacdaba, dowlada Norway waxey sharciyo badan oo soo galootiga ku saabsan, kasoo minguurisaa(copy) dalka Denmark oo ay inta badan ku dayato dhaqan ahaan. Sidaas waxaa la fili karaa in dhawaan ay Norway ku dhawaaqto go´aan noocaas oo kale ah.

Xigasho/kilde: Berlinske, Nordjyske.dk

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments