Denmark: Qoys soomaali ah: Ugu danbeyn sabtida wadanka ka baxa.

0
134

Wargeyska Politiken ee dalka Denmark kasoo baxa, ayaa warbixin dheer ka diyaariyay qoyskii ugu horeeyay ee soomaali ah, kuwaas oo kamid ah dadka sharcigooda dib u qiimeynta lagu sameeyay, isla markaana lagu amray inay wadanka isaga baxaan.

Sida ku qoran Politiken, aabaha qoyskan ayaa dalkaas magangalyo soo weydiistay sanado kahor, waxaana Denmark ugu dhashay sadex caruur ah oo gabadha ugu yar ay jirto sadex bilood oo qura. Waxaana lagu amray inay dalkaas ka baxaan ugu danbeyn maanta oo sabti ah.

Qoyskan soomaaliyeed ayaa kamid ah isku dar 74 qof oo dowlada Denmark ay dib u qiimeyn ku sameysay sharcigooda magangalyada, kadibna ay dib uga ceshatay. Iyada oo sidoo kale jiraan boqolaal soomaali ah oo wali sugayo jawaabta wareysiyadii laga qaaday.

Arintan ayaa kusoo aadeyso xili safiirka Soomaaliya ee EU-da, Dr. Ali Said Fiqi uu si cad u sheegay in Soomaaliya aysan haba yaraatee wax heshiis dib u celin ah aysan kula jirin dowlada Soomaaliya. Fiqi ayaa sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay madaxda cusub ee dowlada Soomaaliya, isla markaana aysan jirin heshiis ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Denmark oo la xiriira dib u celin.

Warbaahinta Denmark ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay  si maalinle ah, wax uga qoreysay xaalada cakiran ee qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan.

Xigasho/kilde: Politiken.dk

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments