Germany: 18 jir soomaali ah oo ku geeriyooday kadib markii uu kasoo dhacay dabaq

0
149

Wiil 18 jir soomaali ah, ayaa xaley ku geeriyooday magaalada Roding ee gobalka Bavaria(Munchen) ee dalka Germany. Wiilkan soomaaliga ah ayaa kasoo dhacay dabaqa koowaad ee kaam qoxooti ah oo uu kunoolaa, waxa uuna isbitaalka ugu geeriyooday dhaawacyadii kasoo gaaray dhicitaanka uu dabaqa kasoo dhacay.

Booliska magaalada Roding ayaa sheegay inuu jiray muran dhexmaray qaar kamid ah dadka kunool kaamkaas qoxootiga, ayna jirtay saameyn maandooriye oo arintaas qeyb ka aheyd. Booliska ayaa si hordhac u sheegay ineysan muuqan wax xiriir fal-danbiyeed ah oo dhacdadaas ay xiriir la aheyd, iyaga oo raaciyay inay wali wadaan baaritaankeeda.

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments