Liban Abdi iyo Captan Mo oo min 2 gool u kala dhaliyay kooxooda

0
321

Ciyaaryahanada soomaalida ah ee ka ciyaara horyaalada heerarka 1-aad iyo 2-aad ee kubada cagta dalkan Norway, ayaa sifiican uga dhex-muuqdo kooxaha ay u saftaan ee horyaaladaas. Liibaan Cabdi oo weerarka uga ciyaara kooxda heerka koowaad ee Haugesund ayaa goolkiisii labaad ee xili ciyaareedkan, shaley u dhaliyay kooxda Haugesund. Wuxuuna dhaliyay goolka kaliya oo Haugesund ay la timid, kulankan oo 3-1 ay uga badisay kooxda Brann ee ka dhisan magaalada Bergen.

Liibaan ayaa sidoo kale isbuucii hore gool u dhaliyay kooxda Haugesund, goolkaas oo kamid ahaa 2 gool oo ay Haugesund uga badisay kooxda Lillestrøm. Liibaan iyo Haugesund ayaa guuldaradii shaley kadib hada soo galay kaalinta 7-aad ee horyaalka heerka koowaad ee dalkan Norway. 

Captan Mo iyo Tromsdalen:

Mohamed Ahmed(Mo) oo ah captanka kooxda heerka 2-aad eeTromsdalen, ayaa shaley goolkiisii labaad ee xili ciyaareedkan u dhaliyay kooxdaas. Wuxuuna ku guuleystay ciyaaryahanka ciyaarta(Man of the match).

Tromsdalen oo sanadkan kusoo biirtay horyaalka heerka 2-aad, ayaa hada kujirto kaalinta 6-aad. Halka ka daawo goolkii shaley ee Mo

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments