fredag, mars 29, 2024

Denmark: Xisbiga D.F oo raba in xijaab-xirashada laga mamnuuco dadka ka shaqeeyo xarumaha dowlada

Xisbiga Dansk Folkeparti oo kamid ah xisbiyada xagjirka midigta fog ee Yurub(Frp-ga Denmark), ayaa soo jeediyay in dadka ka shaqeeyo goobaha iyo xarumaha dowlada lagu mamnuuco inay xirtaan dhar diimeedyada muuqdo ee madaxa lagu xirto(waa sida ay hadalka u dhigeene).

Waxaana kamid ah xijaabka, Koofiyada ay qomwiyada yuhuuda madaxa gashadaan iyo waliba masarka ay madaxa ku xirtaan ku dumarka aaminsan diinta masiixiga. Xisbigan ayaa sidoo kale soo jeediyay in shaqada laga ceyriyo qofkii u hogaansami waayo, hadii uu sharcigaas dhaqangalo.

Danks Folkeparti ayaa sidoo kale horey usoo jeediyay in dhamaan goobaha waxbarashada iyo caafimaadka dowlada, laga mamnuuco dharka muujinayo diinta qofka.

[adsenseyu2]

Inkasta oo soo jeedintan loo dhigayo mid dadka oo dhan wada khuseyso, hadana soo jeedinta xisbigan, waxaa laga dheehan karaa in ujeedka ugu weyn uu yahay in xijaabka laga mamnuuco haweenka muslimiinta ah ee ka shaqeeyo xarumaha dowlada.

Inta badan xisbiyada siyaasada Denmark ayaa canbaareyn . Waxaana cad in Dansk folkeparti uusan taageero u heli doonin soo jeedintan.

Xisbigan kama mid aha xukuumada hada talada heyso ee dalkaas, sidaas darteed soo jeedintiisan uma eka mid dhaqan-gali doonto.

Xigasho/kilde: TV2.NO

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x