15-jir saaxiib la ahaa A.H.N Yacquub Hassan oo 5 bilood oo xabsi ah lagu xukumay

0
102

Maxkamada magaalada Kristiansand ayaa maanta 5 bilood oo xabsi shuruud uu ku xiranyahay ah ku xukuntay, wiil 15-sano jir ah oo saaxiib dhow la ahaa A.H.N Yacquub Hassan, oo ahaa wiilkii soomaaliga ahaa ee dhamaadkii sanadkii hore lagu dilay magaalada Kristiansand.

Wiilkan 15-jirka ah ayaa lagu soo eedeeyay inuu bishii Febraury ee sanadkan weerar gacan ka hadal ah uu ku qaaday wiil 17-sano jir ah, kaas oo mudo looga shakisanaa inuu ka danbeeyay dilkii loo geystay Yacquub Hassan iyo Tone Illebek, sida uu qorayo wargeyska Fædrelandsvennen ee kasoo baxa magaalada Kristiansand.

15-jirkan ayaa diiday inuu qirto dacwad-danbiyeedka lagu soo eedeeyay, balse maxkamada Kristiansand ayaa ku heshay danbi ah inuu feer wajiga kala dhacay wiilka 17-jirka ah ee sida khaldan loogaga shakisanaa inuu ka danbeeyay dilka Yacquub Hassan. Isaga oo sidoo kale u diray fariimo hanjabaad ah, kuwaas oo xambaarsanaa ereyo cunfi ah.

Dhanka kale booliska magaalada Kristiansand ayaa wali wada baaritaanada ku aadan dilkii loo geystay Yacquub Hassan iyo Tone illebekk. Waxeyna mudo sadex isbuuc gudaheed ah warbixinta baaristooda usoo gudbin doonaan xafiiska xeer ilaalinta, kaas oo diyaarin doono dacwad-dabiyeedka lagu oogi doono wiilkii 15-sano jirka ahaa ee qirtay inuu ka danbeeyay falkaas dilka ah.

Xigasho/kilde: FVN, NRK

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments