fredag, april 19, 2024

Ururka dhalinyarada AUF oo Ap ku cadaadinayo inay Falastiin dowlada ahaan u ictiraafaan

Ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha(Ap) ee AUF, ayaa xisbiga Ap ku cadaadinayo inay dalka Falastiin u aqoonsadaan dowlada madax banaan.

Xisbiga Ap ayaa labo sano kahor furay kiis ah in Falastiin ay u aqoon karaan dowlada madax banaan, hadii xaalada dalkaas aysan waxbo iska badalin. AUF ayaa ku adkeysaneyso in hada la joogo xiligii uu Ap aqoonsi dowladeed siin ahaa Falastiin, hadii ay talada wadanka kusoo noqdaan doorashadan.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada AUF Mani Husseini oo ah siyaasi katirsan Ap, asal ahaana kasoo jeedo dalka Siiriya, ayaa xisbigiisa ka dalbaday inay ka dhabeeyaan balan-qaadkoodii hore ee ahaa aqoonsi siinta dalka Falastiin. Wuxuuna raaciyay in arintaas ay indhaha caalamka kusoo jeedin karto tacadiyada ay la kulmaan shacabka falastiin ee kunool daanta galbeedka, maadaama Norway ay door weyn kaga jirto dadaalada nabadeed ee bariga dhexe.

Waxaa isbuucan furmayo shirka qaran ee Ap, waxaana lagu wadaa inay ka arinsadaan arimo badan oo kamid tahay arintan ay AUF soo jeediyeen.

[adsenseyu2]

KRF: Arintaas waxey wax u dhimeysaa wada hadalka nabadeed:

Xisbiga diiniga ah ee KRF ayaa sheegay in hadii Ap ama Norway ay Falastiin u aqoonsado dowlad banaan, ay dhibaato ku noqoneyso dadaalada nabadeed ee loogu jiro nabad ka dhalinta Falastiin iyo Isreal.

KRF ayaa caan ku ah inay taageero indho la´aan ah siiyaan Israel, marka laga hadlayo qadiyada Falastiin. 

Xigasho/kilde: NRK, NTB

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x