lørdag, april 20, 2024

Holand oo wasiir Turki ah u diiday inoo soo galo wadankeeda iyo Urdugan oo jawaab ka bixiyay

Dowlada Holand ayaa is hor istaag ku sameysay socdaal lagu waday in wasiirka arimaha dibada dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, uu kusoo gaaro dalka Holand. Mevlut ayaa kulan la xiriira ol-olaha doorashada Turkiya rabay inuu la qaato jaaliyada reer Turkiya ee kunool magaalada Rotterdam, maadaama muwaadiniinta reer Turkiya ee kunool qurbaha ay fursad u heystaan inay codkooda doorashada dhiibtaan, iyaga oo wadanka ka maqan.

Dowlada dalka Holand ayaa aad uga soo horjeeday socdaalkaas uu wasiirka arimaha dibada Turkiga, ee la xiriira ol-olaha doorashada. Iyada oo duqa magaalada Rotterdam uu wacad ku maray, inuu sameyn doono wax walba oo uu awooda si uu u baajiyo safarkaas.

Wasiirka safarkiisa lahor istaagay ayaa dhankiisa cuno-qabateyn ugu hanjabaday Holand, hadii ay dowlada dalkaas xanibaad ku sameyso safiirkiisa.

Urdugan: Haraadigii Naaziga 

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb D. Urdugan, ayaa hadal caro ah kasoo saaray is horistaaga ay dowlada Holand ku sameysay wasiirkiisa arimaha dibada. Urdugan ayaa xukuumada dalkaas ku tilmaamay inay tahay haraadigii Naaziga Germany iyo Faashistayaal(Fascister).

Urdugan ayaa hadalkiisa raaciyay fariin hanjabaad toos ah oo uu hawada u mariyay dowlada Holand, isaga oo yiri:

U diida wasiirkeena arimaha dibada inuu dalkiina soo galo intii aad rabtiin, laakiin wixii hada ka bilowdo bal waxaan arki doonaa in diyaarad aad leedihiin ay Turkiga soo caga-dhigato.

Ma ahan wadankii ugu horeeyay ee reer galbeed oo is hor-istaag ku sameeyo, socdaalada wasiirada Turkiga ee la xiriira ol-olaha doorashada. Wadamada Germany, Switzerland iyo Austria ayaa sidaas oo kale is hor istaag ku sameeyay safaro ay wasiiro Turki ah rabeen inay la qaataan jaaliyadahooda kunool wadamadaas.

Xigasho/kilde: VG-PAPIRAVIS-NTB-12-03-2017

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x