Codbixin: 64 % shacabweynaha reer Denmark, waxey rabaan in la xadido soo galootiga muslimiinta ah

0
224

Codbixin uu qaaday wargeyska Berlingske ayaa lagu ogaaday, in 64% dadweynaha reer Denmark ay rabaan in la xadido soo galootiga islaamka ah. Waxaana tirada dadka raba in la xadido soo galootiga muslimiinta ah ku yimid kor u kac gaaraya 10%, iyada oo sanadkii 2015 ay ahaayeen 54%

Tirada dadka soo galootiga ah ee iska soo dhiiba dalka Denmark, ayaa hoos u dhacday dhowrkii sano ee ugu danbeeyay. Kadib markii ay go´aano tiro badan soo rogtay dowlada dalkaas. Hadana wali waxey dadka reer Denmark sii rabaan in lasii xadido soo galootiga ka imaanayo wadamada islaamka ah.

[sdonations]1[/sdonations]

Isla codbixintan ayaa lagu ogaaday in dad badan oo reer Denmark ah ay rabaan, in haweenka laga mamnuuco inay xijaabtaan. Sidoo kalena soo galootiga shuruud looga dhigo inay aqbalaan dhaqanka dalkaas.

Arintan ayaa tusaale cad u ah isbadalka ku yimid shucuubta dalalka reer galbeedka. Iyada oo cabsida iyo shakiga laga qabo soo galootiga islaamka ah, ay kor u kacday dhowrkii sano ee ugu danbeeyay.

Xigasho/kilde: NPK(Sunnimoringen.no)

[adsenseyu2]

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments