Hassan Ali kheyre oo ah muwaadin soomaali-norwiiji ah ayaa maanta loo magacaabay reysulwasaaraha cusub ee Soomaaliya. Hassan ayaa horey u ahaa madaxa shirkada shidaalka ee SOM-GAS, sidoo kale ahaa agaasimaha hey´ada NRC ee geeska Afrika.
Kheyre ayaa sanadkii 1989 yimid dalkan Norway, isaga oo heysto dhalashada dalkan. Wuxuuna kamid ahaa dadkii aas-aasay ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norway.
Wareysigan Af-norwiijiga ah, wuxuu Hassan siiyay warbaahinta guriga boqorka sanadkii 2010, isaga oo markaas ahaa madaxa hey´ada NRC.