lørdag, april 20, 2024

Nin cunsuriyeeyay muwaadin soomaali ah oo xabsi iyo ganaax lagu xukumay

Maxkamada degmada Nemdal  ayaa maanta nin norwiiji 49-jir ah ku xukuntay 20 maalmood oo xabsi ay shuruudi ku xirantahay ah iyo ganaax lacageed, kadib markii lagu helay danbi ah inuu cunsurinimo kula kacay muwaadin soomaali ah. 

Falkan maanta ninkan loo xukumay, ayaa  bishii Desember ee sanadki 2015 ka dhacay afaafka hore ee senterka magaalada Namsos. Wuxuuna ninkan ku yiri muwaadinka soomaaliga ah, ereyo caay iyo cunsurinimo ah oo ay kamid yihiin «Daanyeer».  Wuxuu sidoo kale ugu hanjabay inuu gacan-qaad gaarsiin doono, isaga oo sheegay inuu necebyahay soomaalida. 

Maxkamada Nemdal ayaa ninkan ku heshay fal danbiyeed ah ah inuu liidid iyo hoos u dhigid ku sameeyay qiimaha bini-aadanimo ee dadka muslimiinta ah, iyo waliba gaar ahaan shaqsi siyaasi ah oo la yaqaano. 

Maxkamada ayaa labaatanka bari ee xabsiga ah ninkan ugu dartay ganaax lacageed oo ah 10.000 iyo inuu bixiyo 3.000 qarashka-kiiska dacwada. 

Xigasho/kilde: Avisenagder, NRK. 

[adsenseyu2]

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x