(Faalo): Abdullahi Muuse: Faalo kusaabsan barnaamijki kabaxay NRK

Anigoo kibibaalabaya magaca ilaahay marka koowaad, Soomaali ilaahayba aumaqan, maadaama dadkoodii qaar kamid ah ay Tv-yada fariisanayan, kagana hadlayaan arimo u ah sharaf dhac umada ay kadhasheen ee somaliyeed. Iyaga oo qaarkood aan kadareemayey aqoondaro inay u geysay iyo istustus.

Barnaamijkas oo la isugu keeney afar qof o dhalasho ahaan kasoo jeedo Somalia. Amal Adan oo ah qoraa wax kaqora bulshada inta badana ah qoraa dhaleeceeya Somalida. Jones oo ah wiil dhalinyaro o ah oo ka qosliya dadka, Gabar somaliyed oo ah barnehage assistant iyo wiil darawal ka ah buss. Iyada oo aan laga fiirsanayn hadaladoda, saameynta ay leeyihin iyo barnaamijku inuu yahay mid laga fiirsanayo wadanka oo dhan, ayay qosol aan jirin kudhameeyeen iyo aflagaado.

Gaar ahaan labada qof oo an isdhahayey waa laba qof o wadanka yimi iyaga oo dad waaweyn ah, fahmayana dhaqanka somaliyeed ayaa noqday laba qof ee ceebta ugu badan ka geystay, waa barnehage assistant gabarta ahayd iyo wiilka darawalka busska ah.

Amaal adan oo aan dareemayay inay iyadu meelaha qaar difaacday soomaalida ama ka gaabsatayba, marka Jonis uu isagu ka gaabsadayba dooda intii aflagadada ahayd, inkasta oo ay ahayd in u muujiyo soomalinimadisa iyo inuu uhiilayo dadka somaliyeed.

Soomaalida iyo shaqada: 

Marka lagahadlayo somalidu matahay dad shaqeysanaya, haa soamaalidu wa dad shaqeysta ,shaqana jecel, rabana iney wadanka ka shaqeystaan.

 Hadii aan tixraaco tirakoobki la sameeyey ee ahaa in soomaalida wax inyar kabadan 30% raga ay shaqeeyaan, dumarkana ay shaqeeyan wax inyar kabadan 20%, waxaan dhihi lahaa inta an shaqeyn ee kale, waa dad jecel in ay shaqeystan si firfircooni leh uraadiya shaqada, laakiin ay ku adkaatay ama ila hada nasiibku ugalin in ay helaan shaqo.

Sida aan ogahay ama aan lakulmo inta badan dadka soomaaliyeed inta an shaqeyn, waxay ku weydinayaan marka ay arkaan inaad shaqeyso, meesha aad kashaqeyso mak abanaantahay shaqo ama ma iiga soo helikartaa shaqo banaan, waana su´aalaha aan lakulmo inta badan. Marka miyeysan ahayn dad raba in ay shaqeeyaan?.  Haa wey-yiihin, waana dad jecel shaqo, rabana in y xitaa hadii ay helaan laba shaqo ama kabadan ka shaqeeyaan.

Waxyaabaha ugu badan ee dadka dhaleecaya soomaalida ay isticmaalan ama ay dhaheen dadki ka hadlayey NRK, waa soomaalidu waxay dhahaan, maxaan ushaqeynaya, nav iyo shaqadu wa isku qarashe ama nav ayaaba iiga qarash badane. Waana kalmad ay dad tiro yar dhahaan, dadka dhahayana wa dad udhaha inta aan ogahay qo fkale oo walaalkiis ah oo la somali ah iskaga riix, oo wa isxantaan soomaaliduye yaan lagugu xaman ma shaqeysto ama ma awoodo shaqo in u helo. Shaqadu waa nasiib ayaan aaminsa nahay anigu, laakiin waxan ogahay inay jiraan dad badan oo hoosta shaqo ka raadsada, iyaga oo sidaas ku dhahaya.  

Aniga marka  aan wadanka imi oo aan sharciga heley, waxaan isdhahay Oslo uguur. Kadibna ninbaan lakulmay aan isgaranayno, ninkaas waxaan weydiyey ma shaqeysaa, wuxuuna iigu jawaabay: in badanban wadankan ka shaqeynayey, marka waxaan ogaday inay isku mudyihin Nav iyo shaqadu.  Marka maxaan dhabarka iskaga jabinayaa. Waa jawaabtuu isiiyey, laakiin mudo kadib waxaan ogaaday oo aan ka ogaday qof katirsan familkiisa, in ninkaas weligiis uusan shaqeyn, siduu uraadinayey uyuuna kudaalay.  Laakiin wuxuu hadalkaas u leeyahay inaad kayaabto ayuu kabaqayaa.

Markaa dadka hadalada noocaas dhaha, waa hadal adi lagugu dhahayo, ma ahan inaad run uqaadato oo aad tvyada lahortagto.

Waxaan ogahay ama xog ogaal u ahay in dadka badankiisa, weliba sanado badan aysan fariisan oo loodiro praktis ilaa lix bilood ah ama 3 bilood ah ama sanad ah.  Kadibna kaas marku dhamaado midkale, weligoodna midkaas lagu wado ayna diyaar uyihin shaqo in ay helaan mar uun.  Sababtoo ah praktiskaba maahan meel la fadhiyo ee waa meel lashaqeynayo. Sidaas darteed waxaan aaminsanahay, in khaladku uusan ahay soomaalida, laakiin ay tahay dhanka dadka wadanka uqaabilsan integreringka oo  ka gaabiyay shaqadoodi iyo inay dadka ka caawiyaan sidii ay shaqo ugeyn lahaayeen.

Soomaalida aan rabin inay shaqeystaan waa dad kooban, sidaan aminsanahay, hadii ayba jiraanba. Sababto ah way jiri karaan qoomiyad dhan ma dhih ikaro way fiicanyihin, laakin waa wax yar oo aad ukooban.

Waxa kusoo gabagabeenaya, aniga rayigayga ahaan in marka qofku saxaafad wax weydiiso, inaad ka gaabsataan hadii aydin fahmeyn in saxafadu raadinayso waxyaabo khalad ah inad kasheegto dadkaga. Please isku daya in ad kagaabsatan. Suaal kasta haka jawaabina, ee u dira dad idinku dhaama aqoonteeda. Aniga ahaan hadii maanta saxafad ii timaado, qofka aan ku aamini lahaa ee an dhihi lahaa wax ka weydiya waa mahad abiib waa nin dadkisa difaaca aqoona uleh.

Mida kale saxaafada aduunka, waa la iska ilaaliya, waana la isku diyaariyaa. Maxaa inaga mar walba inoo geeya,  su´aasha markiiba lagama jawaabo hadii ay si kadis ah kuugu yimadaan.  sababto ah hal suaal o si khalad ah uga jawaaabta,  waxay ledahay cawaaqibkeda marka arintaas qof walba haka ka fiirsado. 

Waxaa qoray: Abdullahi Muuse. 


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga la wadaagto bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad noogu soo diri kartaa maqaalkaada: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments