Abid Raja: Kiiska qoyska 27-sano kadib wadanka laga saarayo, waxaa raaci kara wada-shaqeynta xisbiyada dowlada.

0
122
Abid Raja-Venstre-Xildhibaan baarlamaan

Shaley ayaa waxaa warbaahinta Norway aad looga hadal-hayay, kiiska qoys kasoo jeedo Falastiin/Urdun, kuwaas oo hey´ada laanta socdaalka ee dalkan Norway ay kala laabatay sharciga jinsiyada, kadib markii ay wadanka joogeen 27-sano. Sidoo kale caruurta ay dhaleen iyo kuwo ay sii dhaleen(faca 3-aad) oo ku dhashay, kuna koray Norway ayaa iyaga lagu amray inay wadanka isaga baxaan.

Abid Raja oo ah xildhibaan xisbiga Venstre uga tirsan baarlamaanka Norway, ayaa arintaas maanta qeylo-dhaan kasoo saaray. Wuxuuna sheegay in kiiska qoyskaas uu qiil-qiil galin doono wada-shaqeynta xisbiyada ku wada jiro dowlada. Raja ayaa carabka ku adkeeyay in hadii xisbiga FRP uu kiiska qoyskaas ku cadaadiyo in wadanka laga saaro, ay lumeyso kalsoonidii ka dhaxeysay FRP iyo isaga. Wuxuuna raaciyay in kiiskan iyo kiisaska noocan oo kale ah ay ku xirantahay wada-shaqeynta ka dhaxeyso xisbiyada dowlada.

[adsenseyu2]

Xildhibaankan ayaa sheegay in dadka Norway kunool ay fahmi karaan in caruur wadanka ku dhalatay oo dhigta barnehage iyo iskuul, aan loo ciqaabi karin khalad dhacay 27-sano kahor.  Wuxuuna raaciyay in qoyskan loo fidin karo cafis, maadaama ay 27-sano kasoo wareegtay xiligii uu khaladku dhacay.

Afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga FRP Keshvari ayaa dhankiisa sheegay in cawaaqibta qaladkaas loo ciqaabayo caruurta faca 3-aad ee qoyskaas, ay dusha u ridan doonaan waalidkood, maadaama ay ayagu ka been-sheegeen aqoonsigooda.

Abid Raja ayaa sheegay in Sylvi Listhaug ay masuul ka tahay arintan, maadaama ay ayadu amarka siiso hey´adaha UDI iyo UNE. Wuxuuna ka codsaday reysulwasaaraha Norway inay arintan si shaqsi ah usoo fara-gashato. 

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in dowladu ay masuul ka tahay muqtaqbalka iyo cawaaqib xumada ay la kulmi karaan caruurtaas wadanka ku dhalatay. Wuxuuna sheegay in dowladu ay si gaar ah isha ugu fiirin karto kiisaska uu xili badan kasoo wareegay, isla markaana ay caruur saameyn ku yeelanaya. 

Xigasho/kilde: Aftenposten.no 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments