6.8 C
London
tirsdag, november 29, 2022

(Maqaal)-Mohamed Abdullahi: Sideen ku noqon karnaa mujtamac isku xiran oo karaamo leh?

- Advertisement -spot_img
- Advertisement -spot_img

Mohamed Abdullahi, Ardey jaamacada NTNU, Statsvitenskap


Baryahan dambe waad wada aragtaan bulshaweeynta wadankaan Norwey, waxay ka aaminsanyihiin somaalida wadankaan dagan. Hadaad waydiiso qof wada marayo soomaalida maxaad ka taqaanaa wuxuu kuugu jawaabi, waa mashaqeeysteyaal, navn ayaa biisho ama waa darawal taxi. Inta aadan dhakhtarka aadan u tagin oo daawo uusan kusiin waa in uu cudur kugu sheego, marka maxaa weeye anaga cudurkeena?. Waxaa quman in la iswaydiiyo maxaa saan naga dhigay?

Aniga waxaan isleeyahay anaga ayaa isugu wacan. Hadii aadan adinka dhexdiina is jeclaan oo iidna is karaameeyn, cid ku jeclaaneyso oo ku karaameeyneyso ma jirto. Diinteena suuban ayaa saas inoo sheegeyso.

Kow: waxaa saan naga dhigay xaasidnimo. Anaga ayaa ilaahay isku kaana diray. Intaas anaga ayaa isku mashquulsan, anaga ayaa is dacweeyneeyno, anaga ayaa is weerareeyno, anga ayaa is neceb oo waxbo isu quurin.

Labo: Manihin umad isku duuban oo is jecel oo is ixtiraanto. Ninkii dhaho war aan urur sameysano oo meel iska soo saarno, waxaa ladhihi bariis ayuu ka doonayaa oo dagaal ayaa lagala hor imaan.

Sadex:Qabyaaladii aan soomaaliya kusoo rognay oo dowladeenii awooda badneey aan ku ridnay, ayaan meeshaan la imaanay. Soomaalida meel ay joogaanbo labo isu qabli-fiyoow ma jirto, labo isi salaanto ma jirto iyo labo isu dan sheegan karto.

Afar: Aqoon yari ayaa naheeyso. Soomaalida sadex meel hadii loodhigo labo meel luuqada wadanka ma taqaano. Hadii aadan luuqadii aqoona, libaax iska dhaaf e dhurwaaga ayaa kucuni.

Cudurkii intaas hadaan uga boxo maxaa daawo noo ah marka. Hada waad aragtaan in mushtamaca aan ladaganahay aysan fikrad fiican naga haysan.  Marka su’aasha meesha ku jirto waxaa weeye, sideen fikrada nalagahaysto ubadalnaa?

Hadii aad rabtid in aad mushtamac ama bulsho aad wax kabadashid, waxaa la fiiriyaa labo wax. Tan koowaad: waxaa waayo aragtida dhow oo ah wakhti xaadirkaan fikrada nala kahaysto ma badali karnaa? Tan labaadna :waxaa weeye, fikrada nala kahaysto maanta iyo beri kumabadali karnee aan falankeeda galno si aan shan, toban ama labaatan sano cizzi iyo karaamadeeni u soo ceshano. Waxaana markaas saxan tan labaad oo ah shan, toban ama labaatan sano kadib wixii nala ka’aamini lahaa falankeeda aan galno. Hada marka cudurkii waan helnay, daawadiina waan helnay laakiin sideen ubiloownaa.

Kow: Aan noqono umad iyo mushtamac isku xiran oo walaalo ah. Xaasidnimada, dagaalka iyo qabyaalda aan meel iska dhigno oo dar alle iyo in aan walaalo nahay isku jeclaano. Intaas hadaan la’imaano cid naga fiican na’horistaagi kartana majirto.

Labo: Aqoon la’aan waa iftiin la’aan. Qofkasto oo soomaali ah isku day in aad waxbarato, hadii aadan adi barana ilmahaadi in ay ka soo baxaan jaamacad ama høyskole. Wadankaan Norwey iyo wadamada kale oo dhan maanta caalamkii waa hormaray, aqoon ayaana hogaamineeyso xamaal waa dhamaaday. Waaridka waa in uu xil iskasaaraa ilmihiisa wax barashadiisana uu la socdaa.

Sadex: Hadii aadan wax baran karin shaqo raadso ama warqada inaad farsamo ku takhasustay(fagbrev) qaado. Is caawiya, finn, navn iyo meelaha shaqo lagahelo ka raadiya. Cv-giina kaliya baraha interneedka ama ugeeya shirkadaha shaqaalaha ubaahan (bemanningsbyrå).

Afar: Waa in la aas’aaso urur soomaaliyeed oo har iyo habeeynba utaagan danta dadka soomaaliyeed oo kudhaqan Norwey. Ururkaas oo markasto difaacayo xuquuda mushtamacca soomaaliyeed, dadkii dhibana caawin karo. Ururkaas ummadu baahi ayey uqabtaa, dad wuxuu ka caawin lahaa, codsiyaha shaqooyinka (søknad), looyaro xaga dadka ilmaha laga qaatay, hadii laqaatayna in loogeeyo famil soomaali ah. Udoodida waxyaabaha kale oo ay soomaalida u baahanyihiin. Ururkaana waa in loo maamulo sida ururaha kale oo wadanka ka jiro oo an tuulo ama magaalo kasto urur soomaaliyeed ay leedahay. Kadibna waxaas oo dhan ay hoos imaadan urur wayn oo wax alla wixii urur soomaaliyeed ah ka masuul ah. Ururkaana waa in uu soo bandhigo hido iyo dhaqanka iyo taariikhda soomaalida si ay bulshada noo aqbalaan oo ay uogaadaan in aan nahay umad dhaqan iyo taariikh dheer leh.

Sidaan waxaan oga gudbi karnaa sumcad xumada noo taalo wadankaan Norwey, waxaana kunoqon karnaa umad cizzi iyo karaamo leh.

Arinkaana ma’ahan wax uu hal qof oo shakhsi ah uu suubin karo. Shakhsi kasto oo soomaali ah waa in uu asaga naftiisa ka bilaabo uuna lataliyo walaalihiisa soomaalida oo uu caawiyo. Kadibna waa in aan isku duubnaano oo aan urur dhisano.

Arinkaan soomaaliyeey ha sahlanina ma’ahan arin aan maalmo kooban ama bilooyin kooban ku gaari karno. Mana ahan arin salkiisa lasootaaban karo oo gunn lahan. Waa in aan is nidaamsan u shaqeeyno, sumcadeenana ilaashano ogoow arinkaan waa in uu socdo ilaa soomaali oo dhan ay noorwey ka guurto maogiye. Mahan wax aan sanado koowan wadi karno. Hadaan saad ushaqeeyno ilaahayna aad talo saarano waxaan filayaa in ay sumcadeeni noo soo laaban ummada ay cizzi iyo karaamo noo hayn.

WALAL OGOOW HADII IIDNA ADINKA IS CIZEEYN OO IIDNA IS KARAAMEEYN, BULSHADA KALENA INMA CIZEEYNEEYSO INMA KARAAMEEYNEEYSO.

W.Q: Mohamed Abdullahi(Ardey Jaamacada NTNU, statsvitenskap). 


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga aqoontaada, arigtaada ama hamigaaga la wadaagto bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad maqaalkaada noogu soo diri kartaa NorSomNews@gmail.com

- Advertisement -spot_img
Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x