Ubah Abdullahi: Qoraalkeyga waxaa laga leexiyey ujeedadii aan u qorey

0
150
Sawirka: Xildhibaan Ubax Cabdulaahi Adan Foto: Wardoon Media

Ubah Abdullahi Aden oo ah xildhibaan ka tirsinaan jirtey golaha deegaanka ee Oslo, ayaa ugu danbeyn jawaab ka bixisey ujeedada ay ka laheyd qoraal ay kusoo qortey barta facebooga. Kaas oo dhaliyey caro iyo muran badan. Hadalkaas oo ahaa u dhignaa sidatan:

Xaqiiqada jirta iyo runta hadaan Straight uga hadlo, waalidka aan luuqada dalka baran, dalka waan ka tarxiili lahaa. 

Ubah oo maqaal kusoo qortey blogg ay ku leedahay internetka, ayaa sheegtay in hadalka ujeedada ay u qortey laga leexiyey, loona qaloociyey si ka duwan sidii ay iyadu rabtey. Waxeyna sheegtay ineysan markaas ka hadleyn waalidiin soomaaliyeed, balse ay si guud uga hadashey dhibaatooyinka waalidiinta aan luuqada aqoon, kasoo wajaho iskuulada wadankan.

Qoraalkeedan ayay faah-faahin uga bixisey sababta ku kaliftey in hadalkaas dadbadan ka careysiisay, aadna loo hadalhayay maalmihii ugu danbeeyay ay soo qorto. Waxeyna ka sheekeysay dhacdooyin ay iyadu goob-joob u aheyd. 

(Halkan ka akhri qoraalkeeda iyo faah-faahinta sababta ay sheegtay iney ku kaliftey arintaas)

Tarxiil xagee ka soo galayaa xalka luuqada?:

Shaki kuma jiro in dhibaatooyin badan ay soo wajahaan waalidiinta aan luuqada wadanka si fiican u aqoon(Luuqada Englishkana aan aqoon), maadaama systemka iskuulada wadankan uu ku dhisanyahay kalsoonida iyo wada shaqeynta guriga iyo iskuulka. Taasna si fiican ayay uga hadashey oo ay faah-faahin uga bixisey.

Balse arinta dadka intooda badan ka careysiisay, muranka iyo dooda uga badana dhalisay, ayaa ah rabitaanka ay Ubah sheegtay iney rabto iney tarxiisho waalidka aan luuqada baran. Waliba hal mar ma aysan sheegin, ee waxey ku cel-celisay dhowr jeer. Tusaale ahaan, mid kamid ah dadka commentiga ka dhiibtey qoraalkeeda ayaa qorey: Ubaxeey aan dulqaadano, Tarxiilka ka daa. Waxeyna ex-xildhibaanadan ku jawaabtey:

Hadaan awood lahaan lahaa, laysma weydiiyeen…Waxeyna raacisey: Waalidku mas´uul waalidnimo ma aha inuu qaado, haduusan luuqada dalka uu caruurta ku korinayo, uusan baran. 

Kaftan iyo xaqiiq hala kala saaro: 

Ubah waxaa laga dheehan karaa qoraalkeeda iney sheegeyso in hadalkaas tarxiilka ah uu ahaa kaftan, balse wargeysyadu ay u badaleen xaqiiqo. Iyada oo aan ognahay xaalada ay ku suganyihiin dad badan oo soomaali oo Norway ku dhaqan xiligan, ma tahay xili lagu kaftamo Tarxiil? Mase haboontahay in qof public figure siyaasi ah, uu hadalkaas bartiisa facebooka kusoo qoro? 

Aaway raali-gelintii?:

Ex-xildhibaanadan si fiican ayey qoraalkeeda ugu sharaxdey sababta ku kaliftey iney qoraalkaas facebooga soo galiso, iyo waliba u jeedada ay ka laheyd. Balse meelna ku xusin raali-gelin iyo xaalmarin ku socoto dadka soomaaliyeed ee hadalkeeda ka xumaaday.

Halkan ka akhri qoraalka Ubah

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments