Denmark: Dhalinyarada soomaalida oo kujirto ajaaniibta ugu danbiyada badan

0
96

Warbixin ay soo saartey hey´ada tirokoobka DST(Denmarks statistisk), ayaa sheegayso in guud ahaan dadka ajaaniibta ah ee kunool wadankaas, ay ka danbiyo badanyihiin dadka wadanka u dhashey, marka loo eego tirada ay wadanka ku joogaan.

Sidoo kale waxaa tirokoobkan lagu ogaaday in generation-ka 2-aad (dhalinyarada wadanka ku dhalatay/ku kortey) ee ajaaniibtu, ay ka danbiyo badanyihiin generation-ka 1-aad(dadka waaweyn). 

Ajaaniibta danbiyada ugu badan gala, ee sida gaarka ah loogu xusay tiroobkan, ayaa waxaa kamid a, ajaaniibta ka timid wadamada, Somaliya, Morokko, Siiriya, Pakistan, Ciraaq, iyo Turkiya. 

Warbixinada ay soo saarto heyádan DST, ee ku aadan danbiyada ajaaniibta, ayaa sanad walba dhalisa muran socdo bilooyin, maadaama xisbiyada dhinaca midigta, ay tirakoobyadan ugu faa´iideystaan sifiican, iyaga oo warbaahinta ka sheeg-sheega. 

FRP oo durbaan tumanaya: 

Siyaasiyiin katirsan xisbiga FRP, ayaa sanadkii hore codsadey in la sameeyo tirokoob cadeynaya danbiyada ay galaan ajaaniibta, iyo waliba wadamada ay kasoo jeedaan asal ahaan.

Maamulka hey´ada tirokoobka dalkan Norway SSB(statistisk Sentralbyrå,) ayaa arintaas ka biyo diidey, iyaga oo sheegay iney ka qeybqaadan karto faquuqa iyo midabtakoorka lagu hayo ajaaniibta wadanka kunool. Sidoo kale waxey sheegeen in diyaarinta warbixinta iyo tirokoob noocaas ah, ay u baahantahay waqti iyo waliba qarash tiro badan. 

FRP oo aad moodo iney markan ka faa´iideysanayaan warbixinta ay soo saardey DST, ayaa sheegay in hadii Norway ay kajirto xaalad Denmark oo kale ah, ay tahay wax laga wel-welo una baahan in wax laga ogaado. 

Harald Tom Nesvik oo ah gudoomiyaha xubnaha baarlamaanka xisbiga FRP, ayaa sheegay in warbixintan ay soo saartey DST ay tahay mid naxdin leh, laakiin aysan aheyn mid lala yaabo, maadaama ay awalba tuhunsanaayeen iney jirto xaalad noocaas ah. Harald ayaa si gaar ah farta ugu fiiqey danbiyada ay galaan dhalinyarada ajaaniibta ah ee wadanka ku dhalatay ama ku kortey(2-Gen..)

Siyaasigan oo katirsan madaxda ugu cad-cad xisbiga FRP, ayaa sheegay in ajaaniibtii ugu horeysay ee Norway timid, ay u baahnaayeen nolol fiican iyo caawin, laakiin kuwii ay dhaleen aysan noqon sidii laga rabay. Wuxuuna sheegay in sidaas darteed loo baahanyah in xog dheeri ah laga ogaado arintaas, si loo ogaado talaabooyinka ugu haboon oo la qaadi karaan, iyo waliba cida ay ku wajahnaan karaan talaabooyinkaas.

Xigasho/kilde: MSN, NETTAVISEN. 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments