fredag, mars 29, 2024

Moelv: Gabar soomaali ah oo la weeraray, dhaawacyo culusna la gaarsiiyey

Warar aan kasoo xiganeyno wargaysyada lokalka ee deegaanka Ringesaker, ayaa sheegaya in shaley duhurnimadii halkaas weerar loogu geystay gabar soomaali ah, laguna gaarsiiyey dhaawacyo culus.  

Booliska Moelv ayaa sheegay in shaley abaare 12.11 duhurnimo, ay heleen fariimo sheegaya, gabar dhiig-baxeyso oo taalo gurigeeda hortiisa. Waxaana mid kamid ah fariimahaas booliska usoo direy isla gabadha ay dhibgu soo gaartey. Booliska ayaa sheegay in markii ay soo gaareen goobta, ay gabadhu miyir qabtey, waxaana loo qaadey isbitaalka iyada oo ay ku yaalaan dhaawacyo waaweyn.

Wargeyska lokalka ah ee Gudbrandsdølen Dagningen, ayaa qorayo in gabadhan ay dhaawacyo waaweyn kasoo gaareen wajiga iyo gacmaha, sidoo kalena ay dhaawacyo fudud ay kasoo gaareen caloosha iyo xabadka.

Talabixiyaha dhinaca xiriirka isbitaalka Sykehuset Innladet, Thorvild Sveen ayaa saxaafada shaley galabtii u sheegay, in xaalada gabadhu ay tahay mid aan gaarsiisneyn heer khatar-nololeed ah, balse ay tahay mid stabile ah oo aysan waxbo iska badalin.  

NorSom News ayaa in gabadhu ay soomaali tahay ka xaqiiqsadey dad soomaaliyeed oo degan deegaanka Moelv.

Lama soo qaban cidii ka danbeysay :

Booliska Moelv ayaa shaley sameeyay howlgalo adag iyo baaritaano, ay ku baadi-goobayaan qofkii ka danbeeyay falkan weerarka ah, laakiin ilaa hada qofna looma soo qaban. Booliska ayaa sheegay ineysan rumeysneyn inuu falkan ahaa mid ku dhacey si kadis ah, waxeyna sheegeen iney hayaan sababo tilmaami kara inuu xiriir ka dhaxeeyay qofka falka geystay iyo dhibanaha. Waxaana ay raaciyeen iney u xog-uruurin ku hayaan asxaabta, qoyska iyo dadka kale ee  ka aghow gabadha dhibku uu soo gaarey.

Madaxa howlgalada booliska deegaankaas, ayaa NRK u sheegay inuu jiro qof goob-joog ahaa oo arkey, qof ku sugnaa aaga uu falku ka dhacay, xiligaa gabadha la weeraray. 

Booliska ayaa dhanka kale sheegay ineysan wali wareysi la yeelan gabadha la weerarey, sababo la xiriira dhaawacyada culus ee soo gaarey.  Waxeyna sheegeen in hadii gabadha ay wareystaan ay u fududaaneyso soo qabashada qofka falka ka danbeeya.

Wargeyska GD ayaa booliska weydiiyey su´aal la xiriirta in gabadha lagu weerary mindi iyo inkale:

Booliska ayaa ka gaabsadey iney ka jawaabaan su´aashaas, sababa la xiriira baaritaanka dhacdada oo wali aan dhamaan. 

XIGASHO/KILDE: GD1,GD2, NRK 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x